Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Barlamaanka Somaliya oo sidii la filayay ansixiyay raiisal wasaare Cumar C/rashiid iyo isla goobta oo lagu dhaariyay

cumar-cabdirashiid-170x114[1]Muqdisho 24 Dec 2014–Barlamaanka Somaliya ayaa ansixiyay raiisal wasaare Cumar C/rashiid oo la filayo inuu soo dhiso wasiiro la filayo inay ka yimaadaan golaha barlamaanka. Barlamaanka ayaa cod aqlabiyad ku ansixiyay Cumar C/rashiid oo hore u fashilmey hadase heay fursad labaad. Ilaa 224 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa 218 Xildhibaan ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyadoo Xildhibaano banaanka ku maqnaa la geliyay booska cida ka aamustay, mana jirin cid diiday.

Gudoomiye Jawaari oo shir gudoominayay kulanka ayaa sheegay in 224 Xildhibaan oo soo xaadirtay kulanka 218 ka mid ah ay ansixiyeen, halka lix mudane oo banaanka ku maqnaa oo codkooda aan dhiiban uu geliyay booska aamusnaanta, sidaas darteedna uu ansax ku yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka hor inta aan la ansixin weydiistay Xildhibaanada Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan, isagoo balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad dadka iyo dalka matasha, isla markaana gaarsiisa sanadka 2016 doorasho.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadlay ka hor inta aan la ansixin Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay ansixyaan, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii labaad xilka Ra’iisul wasaare qabanaya ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Gole Wasiiro ah, waana inuu muddo 30-cisho gudahood ku soo dhisaa, sida uu qabo dastuurka dowladda, waxaana hadii uu soo dhiso laga sugayaa inuu Baarlamaanka horkeeno si codka kalsoonida loogu qaado.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu helay codka kalsoonida ayaa lagu hor dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka hortooda, waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...