November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada shabaab oo laga baqayo in ay 36 qof oo kale ku xasuuqtay goob macdanta laga qodo oo u dhow Madheera

_79440657_79440656[1]Madheera 02 Dec 2014–Argagixisada shabaab ayaa looga cabsi qabaa in ay xasuuq kale kale ka gaysteen goob macdanta laga qodo oo u dhow Madheera oo argagixisadu usbuucii hore ku xasuuqday in ku dhow 18 qof aan waxba galabsan. Ujeedada ayaa ah in ay abuurto dagaal aan jirin oo u dhexeeya Somalida iyo shacabka reer Kiiniya.

Xasuuqan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe xilli dadku wada hurdeen waxana dadka loo kala saaray Muslim iyo bilaa Muslim waxana la sheegay in dadka qaar qoorta laga jaray ficil ay ku dhaqmaan kaliya argagixisada caalamiga ah.

Madheera ayaa inta badan waxa degan dad Somali ah waxayse xad la leedahay Kiiniya iyo Itoobiya. Xasuuqii baska ayaa kicisay dad badan oo reer Kiiniya ah waxayna rabeen in ay abuuraan dagaal diineed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM