Xildhibaan ay argagixisadu cagatirtey oo mucjiso rabaani awgeed dib socod u bilaabay iyo farxadii gabadhiisa yar+MAQAL
Nayroobi 01 Dec 2014–Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto xaafada Kamakuunji ee Somalidu ku badan tahay oo laba sano kahor argagixisada shabaab ay lugaha ka curyaamin ayaa mucjiso rabaani ah hadda bilaabay inuu socdo.
Xldhibaanka ayaa dhaqaatiirtii daawaynaysay ay dhawr mar u sheegeen lugaha laga jaro waase diiday Yuusuf Xasan isagoo rabigiisa talada saartey hadda mucjisada rabi ayuu bilaabay inuu socdo.
Xildhibaanka ayaa u waramay idaacada Ingiriiska ee bbcsomali wuxuuna u sheegay sida gabadhiisa ugu yar ugu faraxday.