Wararka ka imanaya Kiiniya iyo argagixisada shabaab ayaa sheegaya in xarun ciidan o Kiiniya ku leedahay deegaanka Kulbiyow ee jubada Kismaayo la weeraray.
Afhayeen u hadlay argagixisada ayaa sheegtay in ay dileen 57 askar oo ka tirsan ciidanka Kiiya isla markaana qabsadeen saldhiga, gawaadhi ciidan iyo hub goobta yaalay.
Argagixisada ayaa sidoo kale sheegatay in weerarka lagu bilaabay sida caadiga ah isqarxin ay fuliyeen labo naftood haligayaal ah oo ay ku sheegeen mujaahidiin.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay ciidamada Kiiniya ayaa sheegay in weerarka ay ku jabiyeen argagixisada oo ayna jirin tirada ciidan ee argagixisadu sheegatay. Wuxuu beeniyay in xarunta ciidan la qabsaday.
Maaha markii ugu horeysay ee argagixisada iyo ciidanka Kiiniya midba saxaafada u gudbiyo warka dagaalka. Kiiniya ayaa sheegtay in ay isticmaaleen diyaarado weerarka kadib.
Daraad ayay ahayd markii argagixisadu Ku xasuuqday Muqdisho shacab Somali ah oo ay diinta ka saareen kadibna dhiigooda xalaashadeen hutel Dayax kuna dileen ugu yaraan 30 qof.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS