Argagixisadii diley xildhibaan Cusmaan Cilmi Rooble ee lagu guulaystey in la qabto ayaa maxkamad la soo taagi doonaa. Shalay ayay ahayd markii xildhibaanka ugu da’weyn lagu diley xaafada Kaaraan oo uu guri ka dhisanaayay.
Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in laamaha Amniga Soomaaliya ay qabteen laba ruux iyo Gaari ay wateen.
Waxa uu sheegay taliyaha in kiiska dilka ah ee loo geystay xildhibaanka aan intaasi looga hari doonin, isla markaana ragga kale lagu daba Jiro kuwana si deg dega maxkamad lo horgeyn doono. l
Dilka xildhibaanka ayaa aad looga naxay waxana cambaareeyay dhamaan waxgaradka inkastoo cambaareyntaasi ku dhacayso dhego gaaleeya Muslimiinta.
Xildhibaan mucaarada ayaa sheegay in ilaaladiisa laga kaxaystey muddo maalmo kahor oo xildhibaanku ahaa bilaa ilaalo markii kooxda gaalayntu dilka u gaysatey. Marxuunka ayaa aas qaran loogu sameeyay Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS