Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Awr-Gaal Nabar Uu Og-Yahay Kuma Gagabo: qalinkii ( Abdi-shotaly)!

Waxaan halkan ugu jawaabayaa, oo aan maanso yar, doonayaa in si gaar ah ugu gudbiyo,
kuwo siddii sakaaradda xaar la arkaayo aasaasaaya, ku bakhtiya cadaaladda, sinaanta iyo wadda jirka ummadda, waxa beerka iyo wadnaha jarjaray, ee qarsanaaya boogta malaxdu ka biixdo in la dilaaciyo, kuwaas oo aan geed-na ugu soo gaban qabyaalad, hadana ku af-goobaad-sanaaya wax la yidhaaho Somalilland baanu gaadh ka haynaa, iyaka oo ah kuwa u laalaabay ee caynka iyo baydaba u jaray, siddii dacawaddii reerka caawa guuri lahaa, intay casarkii yeelihii ka cuntay, ka dul xareedisay ee tidhi wallee reer aan ogahay baan guurin, ilayn waxay samaysay bay garanaysaa in aanu reer guurayaa jirine, qaar cayn-kaas ka dhigan, oo albaab walba oo la is yidhaaho hagaajia diidan, caabudda reer hebel baa maamulka leh, oo angaa kursiga ku fadhina, kuna difaacaaya maamulka khariban ee labadda askari ku hor kaajaan “Xaafad-Tooyadda”, baa akhristaw misna ku eedeeya cid kale baa duminaysa, Wax aynu isla garanayno, bay doonayaan in ay inoo hadoodilaan, kolba si inoogu dabaal-joog-teeyaan, Intaa dabadeed, waxan halkan hoose idiinku soo gudbinayaa maanso yar oo arimaha sare ku xusan idiin iftii-minaysa, ee ku soo dhawaadda waa tane:-

Bani’aadamka qaar baa, haddii aad Leg baruur leh,
Iyo siiso barwaaqo, oo bariis aad karisoo,
burcad aad ku dartay, isku biirso tidhaaho,
Babiso looga ridaayoo, balaayuun bal ka qaada,
Rabbiyaw na badbaadi, bal maxaa ka waraaqshay,

Bani’aadmaka qaar baa, suruc-yuun lagu beeray,
Bani’aadamka qaar baa, basarkii ka halaabay,
Bani’aadamka qaar baa,booliguun bal ku naaxa,
bani’aadamka qaar baan, aan aqoonin banaanka,
Bani’aadamka qaar baa , baylah-uun deyda-yaaya,

Bani’aadamka qaar baa, bohol uun qodqo-daaya,
Bani’aadamka qaar baa, is-bidaaya wax weynoo,
Iska buuxiyey neefoo, baaluunkii u ekaaday,
Af-kooddii banjaroo, sidda baar-qub gulaan ah,
Doobtii soo bixi-weyday, qanji-dhaddii barareen,

Bani’aadmaka qaar baa, isku baahsha cudur,
U maleegan bello, baroorna aan daminayn,
Ama beeb jabay oo, biyihii burqa-deen,
La butaacay bacaac, ku bukoodda wanaagga,
Bismi-laahiye khayrka, boggu uu ku xanuuno,
Baaban oon wax ogayn, nin aanay beegsan karin,
Barabr-kiisa is taagin, kaga qayliya baasha,

Wuxu buuga ku duugay, ku bayaansho xaqiiqdda,
Intay baal ka maraan, bogcad aan cidi joogin,
Ba’ayeey isla taaga, burbur-shuun tallo qeexan,
Ba’na aan akhri-yeen, waxad soo bandhigto,
Budh weyn uun ku garaaca, booli-xoofto ku waashay,

Waxay baabi’i-yaan iyo, balaayo aan u dhawayn,
Beerka soo gashadoo, bidhaan ruuxay rabaan,
Marku baalka ka qaado, sii bilaabaya buuq,
Burush ceeba la doonta, runa aan u badheedhin
Beenta uun falki-naaya, tusbax uun babi-naaya,

Ku hagoogta bustoo, ku baaqaaya ibriiqa,
Barbaareey i arkaay iyo, hebel baan bir ku jiiday,
Isla buufi-naya, aan maraynin banaanka,
Babac ay kora-yaan iyo, hadba buur isku qaada,
Waxba aan bixinayn , ku bariista tolaay,

La dhex booda bangar, baahi uu u qabaa iyo,
Wuxu baaji-nayaana, buugaagtii laga waayey,
Bestii oo la yaqaan, boxor aan naf lahayn,
Bakay-laa la maqaam ah, booga-hiisa la yaabo,
Bani’aadamka eebbe, markuu beeray duntiisa,

Illamaa berigaa, wuxu baabasho mooyee,
Barna soo kordhi-nayn, maskaxddii ka bukootay,
Isu haysta boqor, buju ruuxa yidhaaha,
Kula boodaya feedh, bal wuxuu ku dilaayo,
Kaaga baydhaye sheeg, halka beer-raqaysa!

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, maah-maahddii ahayd, ” Awr-gaal, nabar uu og-yahay kuma gagabo”. Waxan uga socdaa, oo aan u soo qaatay, murtidan sare ku taala, wax inoo kala qarsooni ma jiraan, cid baad dambebesi kartaana, waa habeenkii xalay tegay, oo mar labaad taariikh-dda dib u soo galay, taas oo aan dhici karin. Sidaas awgeed, waxad ka dhigan tihiin, oo micna-hiinu yahay tii la yidhi waxa yidhi ” Hasha geela cunta ee cabaadda”, qabyaaladda idinka baa wadda, hadana ka meeraysta, idinka diidan somaliland la wadda leeyahay, hadana ku sheekeeya qaar kale baa qas iyo dhibaato gelinaaya, idinka baa Somali-weyn hoosta ka wadda oo wax walba la idiin soo saxeexaa, misana beelo gaar ah ku masabidda, ee doc isugu baydha, waxa la yidhi ” Afeef hore baa la yeeshaa ama adkaysi dambe”, mid-na yeeli wayde, cabaad-na ma daysaan, ismana qabataan, marka la qarxiyo xumaan-tiinana, afkaa gacanta saar-taan, waxa kale oo ay ahayd murti soomaaliyeed ” Xamiido nina way rabtaa, haab-keedna may hayso” Haddii aad Somaliland dani idinka hayso, u kaalaya cadaaladda, sinaanta, oo khaladka maamul-kiina ha ku raacina, ee hor illaahay iyo wax wadda lahaansho loo siman yahay u dagaalama, haddii kale miyaa, afka boodhka u dhiga, bal waa cidda ku lulata’e.

* N.B Bani’aadamka qaar baa , baylah-uun deyda-yaaya!
Abdi-Shotaly,

ashotaly5@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...