Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Bal aan dib u jaleeco mucjisooyinkii weynaa ee Prof Cumar Cismaan Raabi: Qalinkii Rashiid Jaamac

Taariikhdii Dr Omer Cismaan Raabi uu Ku lahaa Xornimada Djibouti ee Loo Dabaal dagayo.

Allaha u Naxariisto Dr Cumar Cismaan Raabi, waxa uu ahaa Halgamaa u Halgamay xoriyada Djibouti , waxa aanu hormuud ka ahaa dadkii dagaalka Kula Jirtay Gumaystihii Faransiiska.



Wuxuu ka mid noqday dhallinyaradii u adkeysan weyday hagardaamadii gumeysigu ku hayey ummadda Soomaaliyeed ee ku noolayd Xeebta Soomaaliyeed ee faransiisku gumeysanayey.

Wuxuu ku biiray jabhadii ururkii u dagaalamayey xoraynta Djibouti oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cismaan Hufane, Cumar Shardi Buuni, Xaashi Cabdillaahi Orax, Aadan Rooble Cawaale, Cumar Cilmi Khayre iyo qaar kale oo badan oo aan la soo koobi karin. Waxa la odhan karaa waa ninka ugu caansan dadkii u soo dagaalamay xurriyada Djibouti, halgankana bilaabay isagoo aad u dhalin yar.



Waxa ay markii Dambe Dowlada Faransiisku gacanta ku dhigeen dhalinyaro xiligaa uu ku jiray; waxaana loo gudbiyey maxkamad kutaala dalka faransiiska. Waxa ayna ku xukuntay dil isaga halka ay kuwii Kalena ay ku xukuntay Xabsi Daa’in.

Hadaba iyada oo arintu ay halkaa marayso oo ay xidhan yihiin ayaa safiirkii faransiiska u fadhiyey somaliya waxa afduubtay rag ay isku mabda’ ahaayeen Dr Raabi, Waxayna arintii gaadhay Magaalada Paris oo ah xarunta Faransiiska, waxa ay dalbadeen in la soo daayo Dr.Cumar Cismaan Ka dibna ay soo dayn doonaan safiirka.



Dowlada Faransiiska oo ay arintu ku qadhaadhaatay baa codsigii aqbashay iyaga oo ka cago jiidaya ogna kartida Dr Raabi, si deg deg ah baa la isku dhaafsaday Dr cumar cismaan raabi iyo safiirkii faransiiska Jasiirad ku taala Dalka faransiis.

Halgan dheer ka dib Shacabka reer Djibouti waxa ay heleen Xornimadii ay u soo dagaalameen, isaga oo qayb libaax leh ka qaatay xornimadaas.



Intii uu jeelka ku xidhnaa Dr cumar Cismaan waxa uu ku dhex diyaariyay Dictora cilmiga Falsafada ah ( PHD Of Philosophy) isaga oo aha qofkii ugu horeeyay ee PHD ku diyaariya Falsafada. Waxaana inta aanu dhiman uu Madax ka noqday Mac’hadka Culuunta siyaasada iyo Is-tiraatiijiyada dalka Djibouti.

Dr Omer Osman Alle Naxariistiisa Jano Ha Ka Waraabiyee Waxa kale oo uu ahaa Qoraa Afafka kala duwan wax ku qori Jiray waxa uu Buugaag Badan qoray oo uu ka mid Yahay Buugii Futuuxul Xabashi, iyo buugii caanka ahaa ee uu ka qoray Dhaqanka Soomaalida oo uu ku tilmaamay in ay Carqalad ku tahay Dowladnima oo la odhan jiray ARAGTIDA REER GUURAAGA NINKA SOOMAALIYEED oo uu ka qoray daraasad uu 30 sano Soomaalida ku waday.



Alle u naxariistee Dr-ku waxa uu odorosay waxyaabo badan oo maanta ina haysta isaga oo 1986kii Muqdisho ka sheegay in labaatan sano ka dib ay Xabashidu Muqdisho iman doonaan, sidaa aan ka dhagaystayna isaga oo taariikhdaas ka sheekayna uu yidhi kabo ayaa la igu soo tuuray markaan intaas arday aan u qudbaynayay u sheegay laakiin maanta odoroskiisii uu rumoobay, waxa kale oo uu sheegay in dowladnimada Soomaalida ay dumin doonaan Qabaa’ilo is urursaday oo iyadna rumowday, waxa uu 2013kii saadaaliyay in 2017ka bilowgiisa xukuumad Soomaali oo dhani ay soo dhawayso ay curan doonto, sidii bayna u dhacday oo Doorashadii Farmaajo ee Feb 2017 Meelkasta waa laga soo dhaweeyay.



Dr Raabi Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo caqiido wanaagsan oo diineed lahaa, nin aad ugu ada-adag Soomaalinimada islamarkaana aad u daneeya jiritaanka iyo difaaca qaranimada ummadda Soomaaliyeed. Marnaba kama daalin, kamana hadhin gudaha iyo dibeddaba intii uu ku noolaa, waxba iskama bedelin mawqifkiisa uu ku raadinayey SOOMAALI xor ah oo nabad ah.



Waxaanu maanta uga tagay shacabka Djibouti Aayo Mustaqbal oo ay midhihiisa guranayaan waxqabkiisii taariikhiga ahaa ee taariikhda ku suntan iyo halgankii dheeraa ee uu gumaystaha Kula jiray ee hadafkiisu ahaa in dadka reer Djibouti xoriyad helaan oo ah taa ay maanta u dabaaldagayaan sanad guuradii 42naad.

Allah unaxariisto janatul fardowsana Allah kawaraabiyo, Waxa uu ku geeriyooday Magaalada Qaahira 17 April 2013 maalin Arbaca ah Waxaana lagu Aasay Magaalada Djibouti.

Qalinkii Rashiid Cabdi Jaamac (Rashka)



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...