Waxaa Maanta oo Jimce ah 28-ka bisha Juun 2019 lagu soo gaba-gabeeyay Addis ababa ee caasimada Itoobiya shir ku saabsanaa heshiis ay Dawladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha.
Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhammaystirka wixii haray.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay.
Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).
Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada.
Waxanay tiradii ugu badnayd Dowladda Soomaaliya ruqsaysay 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS