Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa gaari qarax ku haleelay duleedka Muqdisho. Qaraxan oo loo malaynayo in argagixisadu ka dambeyso ayaa waxa ka dhashay khasaare.
Gaariga qaraxu haleelay ayaa waxa uu marayay deegaanka Siinka dheer oo baryahan amaankeeda aad loo adkeeyay kadib markii qaraxyadu ku soo bateen Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa gaarigaas kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay. Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaalaan guryo Jiinkado ah, waxaana qaraxaasi uu sababay Burbur xoogan.
Gaarigan ayaa waxa loo malaynayaa inay wateen argagixiso oo uu ku qarxay maadaama uuna soo marin wadada caadiga ah ee laga soo galo Muqdisho oo ay joogaan ciidanka amniga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay