Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Beesha Caalamka oo War adag kasoo Saaray Go’aanka Shirkii MUQDISHO: warsaxaafadeed

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ay qaadatay ee ku aaddan hanaanka doorasho ee loogu talagalay geeddi socodka doorashada la qaban doono dhamaadka sannadkan. Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Ethiopia, Dowladda Faransiiska, Dowladda Talyaaniga, Dowladda Qatar, Dowladda Sweden, Dowladda Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Dowladda Maraykanka ayaa dhammaantood taageero u muujiyay tallaabadan muhiimka ah.

Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweynayaan go’aanka ku aaddan nooca doorasho oo ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya 27ka Janaayo. Saaxiibada caalamku waxay ku bogaadinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay u raadinayso in wada ogolaansho laga gaaro nooca doorasho ee sannadka 2016. Sidoo kale, saaxiibada caalamku waxay madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya, ku bogaadinayaan dadaallada dhabta ah ee ay u galeen, muddo bilooyin ah, sidii isu-tanaasul lagu gaari lahaa. Saaxiibada caalamku waxay garwaaqsanyihiin in noocan (doorasho) uu u baahanyahay isu-tanaasul ka yimaada dhamaan dhinacyada, waxayna ugu baaqayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed inay soo hormariyaan danta dalka kana fogaadaan carqaladayn iyo colaad lagu sameeyo hanaanka doorashada.

Waxay xuseen oo ay ballan qaadeen inay taageeraan tallaabooyinka siyaasadeed ee soo socda ee degdegga loogu baahanyahay si loo xaqiijiyo hirgelinta go’aanka iyo tallaabooyinka loo baahanyahay si horumar looga gaaro hanaan doorasho oo tayo fiican iyo nidaam siyaasadeed oo la helo mustaqbalka.

Go’aanka maanta laga gaaray hanaan doorasho wuxuu ka dhiganyahay guul wayn, wuxuuna, mar kale, muujinayaa go’aanka madaxda Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’antahay inay ixtiraamaan muddada dastuuriga ah ee ay ku egyihiin hay’adaha sharci dejinta iyo tan fulinta, iyo in la qabto hanaan doorasho sanadka 2016. Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale soo dhoweynayaan xaqiiqada ah in nooca doorasho ee ay go’aansatay Dowladda Federaalku uu waafaqsanyahay mabaad’dii lagu qeexay Baaqii Muqdisho ee 16ki Disembar.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamaka waxay ugu baaqayaan madaxda siyaasadda iyo hay’adaha dalka, oo uu ka mid yahay baarlamaanku, inay si dhow oo wax ku ool ah uga shaqeeyaan faahfaahinta loo baahanyahay si loo hirgeliyo hanaanka doorashada, iyo khariidad siyaasadeed ee loo dejiyo muddada u dhexeysa 2016 iyo 2020, si waafaqsan Baaqii Muqdisho. Saaxiibada caalamku waxay ku nuuxnuuxsanayaan in geeddi socodka doorashada sannadka 2016 uu yahay tallaabo muhim ah, inkastoo ay tahay tii ugu horeysay, ee loo qaado doorasho qof-iyo-codkiisa ah oo la qabto sannadka 2020.

Saaxiibada caalamku waxay garowsadeen in go’aanka laga gaaray hanaanka doorashada uu sidoo kale yahay guul weyn oo u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed, oo si xamaasad iyo niyadsami leh uga qaybqaatay geeddi socodka wadatashiga qaran si loo gaaro mustaqbal siyaasadeed oo la wadaago. Dadka Soomaaliyeed waxay filanayaan oo ay mudanyihiin in waqtigiisa lagu hirgeliyo sannadkan geeddi socod doorasho oo loo wada dhanyahay oo daahfuran. Waqtigan ay Soomaaliya iyo dalalka gobolkaba weli weerar lagu hayo, saaxiibada caalamku waxay ku nuuxnuuxsanayaan in horumar siyaasadeed oo sii socda uu yahay arrin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo joogtaynta dadaallada amniga iyo xasillinta iyo horumarinta dhaqaale ee ka dhaca dhammaan gobollada Soomaaliya.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamaka waxaa ka go’an inay Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya ku taageeraan hirgelinta geeddi socodka doorashada ee dabayaaqada sannadkan. Waxay mar kale ku celinayaan sida adag ee ay uga go’antahay taageerada ay u hayaan geeddi socodka nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo inay la shaqeeyaan dhammaan degaanada si ujeeddadan loo gaaro.

Dhammaad

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...