Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Beeshu Way Haraaday+Balidhiig vs Qulijeed Labo kala Fog

EAWtan iyo intii ay xilka la wareegeen xisbiga Kulmiye ee uu hogaanka u hayo Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo waxa isa soo tarayay siina fidayay shayga la yidhaahdo qabyaalada.

iyadoo markii ololaha ay ku jireen xisbiga kulmiye heestii loo qaadi jiray ee ay caanka ku ahaayeen ay ku jirtay ereyo tilmaamaya in qabyaaladu bilaabmayso sida ‘Beeshu Way Haraaday’ taasi oo loo micnaysan karayo in beelaha qaar ay oomanaayeen halka beelaha qaarna ay ku jireen nimcad.

ka soo qaad xiligii dowladii UDUB ay xilka haysay ma jirin odayo intay isa soo urursadaan televisionka soo horfadhiisa kuna hanjaba hadaan beeshayada waxba laga siin wasiirada waxaasaan samaynaynaa, hadaan waxaas wax laga qaban anagu dowlada mucaaridbaan ku noqonaynaa, hadaan waxaas nalaga dayn dowlada aqoonsigiibaan kala noqonay iyo wax saas ah oo farabadan.

Hadaba tani sabab ma u tahay in heestii ahayd ‘Beeshu Way Haraaday’ ay soo baxday una sabab tahay in beelihii lagu tuhmahay in ay xilka hayaan calashaan reer Awdal ee la islahaa dowladii UDUB waxbay u qabatay in ay beenowday.

beelaha la lahaa way haraadan yihiinay ay iyagu markii hore ahaayeen kuwo loo shaqaynayo imikana ay waxqabadkii loo qabanayay sii laba jibaartantay, taas waxa daliil u ah in madaxwaynuhu markii uu booqashooyinka ku marayay deegaanada Galbeedka uuna wax la taaban karo ka qaban isagoo sida hilaaca ku maray magaalo madaxdii gobolka Awdal ee la islahaa wuu ku nasan howlaha jirana wax buu ka qaban. dhaafida uu dhaafay waxa ay ku tusaysaa in madaxwaynuhu uu wado gacan bidixayn iyo eexitaan uu uga eexayano gobolada kale iyo deegaanada kale ee uu maray.

tan kale magaalada Borama oo ah marka nabad la soo hadal qaado meesha ugu horaysa ee maskaxda qofka somaliga ah ku soo dhacda uu ka doortay magaalo siyaasad ahaan ay adagtayahy in madaxda dunidu seexato maxaa yeelay wajaale waxa ay ku taalaa meel xad ah hotelada Borama ku yaalana kuma yaalaan.

ugu dambayntii waxa aan halkan amaan balaadhan uga soo dirayaa madaxdii wadanka ee hore ee ay muwaadinimadu dhabta ka ahayd wadan jacaylka iyo wada noolaanshuhuna qalbiyadooda dagay, tusaale waxa kuugu filan madaxwayne Siilaanyo magaaladii uu ku dhashay markii uu tagay waxa uu ku nagaaday mudo badan isagoo dhagax dhigay saldhig booliis, ceelal biyoodyo, wasaarad xanaanada xoolaha iyo Immigrationka maadaama ay ku taalo xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia, halka uu madaxwaynihii hore Daahir Rayaale iska daa wax uu dhagax dhigee waxa uu joogay saacado gaaban isagoo booqday guriga hooyadii iyo iskuulkuu ka soo baxay kaliya.

guntii iyo gabo gabadii cida haraadsanayd weli haraadkii ayay ku jiraan dadku markay ay haraadaana waxa laga yaabaa in ay dhaq dhaqaaqyo sameeyaan ay ku raadsanayaan waxa ay haraadkan haysta kaga bixi lahaayeen.

 

WA BILAAHI TOWFIIQ

 

Abdirashid Abdi Jama(rashka)

 

Borama Awdal

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...