Wednesday, June 26th, 2019
header

Booliiska Maraykanka oo ku guulaystey inay gacan ku dhiigle Somali ah qabtaan

Booliiska Maraykanka ayaa ku guulaystey inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiigle xaaskiisa dilay kadibna cagta wax ka dayay. Xaaskiisa oo lagu magacaabo Muna Kuri ayaa ahayd gabadh shaqaysata oo bulshada dhexdeeda aad looga yaqaanay. Waxay lahayd xarun lagu xanaaneeyo caruurta waalidiintoodu shaqeeyaan.



Ninkan baxsaday oo lagu magacaabo Cabdicasiis Keerow ayaa laga soo qabtey dalkaasi yar ee Baanama bishan 20-keedii isla markaana dib loogu soo celiyay magaaladii uu dilka foosha xun ee doqoniimo ugu gaystey xaaskiisa.

“Waxa isla markiiba loo dhaadhiciyay jeel ku yaala magaalada Sandiyeego oo ku taal xadka Megsiko. ” Muna walaasheed oo raadisay markey ka waydey xaruntii caruurta ay ku xanaaneyn jirtey, ayaa dalbatey in guriga loo jabiyo halkaas oo ay ku aragtey walaasheed oo korka sare ka dilan. Booliiska ayaa qaba xilligaas in dilku dhacay ugu yaraan maalin iyo bar kahor.



Booliiska ayaa iyagu sheegin meelaha ay nabaradu kaga yaaleen. Rafcaanka gacan ku dhiiglahan ayaa la sheegayaa inuu yahay 5 milyan oo doolar.

Qareenka loo qabtey gacan ku dhiiglahan ayaa diyaarinaya inuu gudbiyo dacwad ah in ninkaani waalnaa, waxayna ka mid tahay siyaabaha wadamada gaalada looga baxsado jeel mudadiisu dheertahay.



Si kastaba ha ahaa Muna ma helayso cadaalada ay u baahan tahay oo ah in gacan ku dhiiglahan la marsiiyo. Ehelada ay ka baxdey ayas ugu yaraan ku faraxsan in gacan ku dhiiglahan la soo qabtey. Inkastoo kiiskani cad yahay ayaa haddana la marin doonaa dacwad dheer.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Sucuudiga oo sheegay in xoolo aan marin dawlada dhexe aanu qaadan karin

June, 26, 2019
Sucuudiga ayaa warbixin ka soo saaray xoolaha dalkiisa ...

Safiiro cusub oo dhiibtey waraaqahooda danjirenimo: SAWIRO

June, 25, 2019
Madaxweynaha Somaliya ayaa waraaqaha danjirenimo ka gudoomey safiiro ...

Xasan Cali Kheyre oo sheegay inuu dhisayo Galmudug xilli Xaaf geed lagu xirey: SAWIRO

June, 25, 2019
Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ...

Madaxtooyada Somaliya oo beenisay inuu jiro shir ay la galeen maamulka Somaliland

June, 25, 2019
Madaxweynaha Somaliya ayaan la sheegin inuu wefti u ...

Berbera oo laga masaafuriyay nin Somali badan gaaleeyay

June, 24, 2019
Waxa magaalada Berbera ee maamulka Somaliland laga masaafuriyay ...

Dhacdooyinka

Caasimada Itoobiya oo si qayra caadiya loogu soo baxay ciidii: SAWIRO

June, 9, 2019
Caasimada Itoobiya ayaa si qayra caadiya ciidan loogu ...

Madaxweyne Erduqaan oo ka qayb galay arooska ciyaaryahan asalkiisu yahayTurki : SAWIRO

June, 8, 2019
Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa ka qayb galay qayb ...

Abwaan reer Awdala oo lagu dhacay 18 May oo hees u tiriyay reer Awdal

June, 7, 2019
Abwaan Ibrahim Muumin Nuur (Liiro) ayaa ka hadley ...

Muslimiinta caalamka oo maalintii labaad ciidaya: SAWIRO

June, 5, 2019
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo guud gobolada ...

Hal-abuure ka qayliyay xarun Hargeysa ku taal oo dhaqano cusub lagu faafiyo

June, 1, 2019
Hal-abuure jooge magaalada Hargeysa,ayaa ka qayliyay xarun loo ...

Iiraan oo soo saartey goob dhulka hoostiisa oo gantaaluhu u yaalaan

June, 1, 2019
Iiraan oo dagaal markadta ula diyaata Yuhuuda, Maraykanka ...

Naftood haligeyaal Liibiya ku sugnaa oo Somali ku jirto oo Talyaanigu qaaday: SAWIRO

May, 31, 2019
Naftood heligeyaal Somali ku jirto ayaa hay'ad qaxooti ...