Booliiska magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta la wadaagay gabadh yar oo la rumeysan yahay in la af-duubtey kadib markii ay u adeeg doonatey suuqa Bakaaraha ee magaalada.
Gabadhan yar 14-sano jirka ah oo lagu magacaabo Maryan Cabduqaadir Cali Nuur ayaa labo maalin kahor la waayay jaan iyo cibidh warkeeda ay dhigtay.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Saakiya Xuseen ayaa sheegtay in Gabadhan yar loo maleenayo in laga afduubtay degmada hawlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo ay adeeg ka doontay.
Jeneraal Saakiya Xuseen ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsatay in gacan ka geestaan baadi goobka gabadhaasi yar ee maqan. Ilaa hadda lama oga inay qof la baxdey iyo in si caadiya loo afduubtey ama iskeed u cadhaysan tahay oo la joogto asxaabteeda.
Sawirka hoose waa gabadha maqan iyo lambarka la garaacayo ee laga koobi gareeyay Kanada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay