Dhalinyarada gobolka Awdal ayaa bayaan bilaa gabasho ah oo ay soo saareen ku cadeeyay in gobolku aanu haba yaraatee ayna ka jiri doonin doorasho uu qaban-qaabiyo horjooge Muuse Biixi ilaa gobolku helayo saamiga uu leeyahay. Waxa saamiga iska indhatirey horjooge Muuse Biixi iyo labada xisbi ee beeshiisa ah.
”Waxay si toosa isaga indhatireen xisbiga halka reer in doorashada la saxo oo saami saxa la helo, waxay caadaysteen inay waxooga shilimaada u tuuraan oday dhaqameedka gobolka oo inta badan aan matalin dhalinyarada iyo dadka xorta ah laakiin ku fiican kicinta qabyaalada ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.
”Waxa doorashada u soo baxaya waa dhalinyar haddii dhalinyartii bayaan soo saareen, waxaan is weydiinayaa cida shilimaad loo tuurayo waayo xoogii gobolka ayaa meel isku raacsan ayuu raaciyay.
Haddii dhalintu isku duubnaato oo sidii caadiga ahaa lagu kala jabin shilimaadka oday dhaqameedka loo soo tuuro iyo xanta qabyaalada, waxa dhacaysa in xerta beesha dhexe la noqdaan sheekada doorashada ee beenta looga dhigey gaalada ictiraaf la diyaara.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS