Sunday, September 22nd, 2019
header

Butlaan shalay iyo maanta maxaa is is bedelay: FAALO

Waxaan is weydiin kartaa ma burburtay haybaddii Butlaan ku lahayd mushtamaca Somaliyeed guud ahaan tas oo aan ula jeedo qiimihii iyo heerkii ay joogtay, kaas ahaa mid qofkii sheegtaa ama ciddii maqashaaba ay siin jirtay mudnaan. Mudnaantaas oo aan ku iman cago-juglayn ama jajuub ee ahayd mid ay mudneyd.



Butlaan oo ah meelihii ay soomaali ku badbaadday, cidkastana ay ka dhiganaysay gabbaad, hanti badan oo soomaliyeedna ku ammaan heshay luguna tabcaday, Waxa ay noqotay meel mar lugu xisaabtamay, balse aan maanta ka duwannayn meel mar loo haajiray oo laga soo laabtay.
Siyaasad ahaan Butlaan waxa ay ahayd meelihii ugu doonista badnaa nidaam dawladdeed oo Soomaliyeed, taas oo maskax iyo maalba gelisay sidii la isugu keenilahaa Soomaalidii kala fogaatay”



Dadaalkii badnaa ee Butlaan iyo marti-soorkii Soomaliyeed ee ahayd mid qof kasta oo soomaliyeed deegaankiisa ka mudnaa, waxaad mooddaa in uugu dambayntii butlaan noqotay sidii meel aan marnaba laga helin wax Abaal ah oo hore.

Tani ma aha mid aan anigu ku dhaliilaayo soomaalidii hore ugu bad-badday butlaan iyo kuwii hantida ku tabcadayba, waayo dadkaasi waxay ahayeen dad tegay dhul soomaliyeed waajibna ay ahayd in aysan cidi ka xigsan joogista iyo ku bed-qabka dhulkaas.



Waxaa wax kasta oo ay butlaan soo samaysay dhulka ku jiiday kana dhigay Hal-bacaad lugu lisay siyaasiyiinta deegaankaas hoggaanka ka noqonaysay muddooyinkii dambe iyo weliba metelaad xumada ku haysa dawladda dhexe.

Marka leeyahay kuwo dawladda dhexe ku metela, waxaan u jeeda wasiirrada iyo xildhibaannada oo noqday kuwo aan joogin heerkii laga rabay ee ahayd in mar kasta ay hor-boodaan xalkii ay hore u raadinjireen.

Kuwo badan waxa ay ku milmeen ka qaybqaadashada hannaanno badan oo aysan dawladda federalku raalli ka ahayn, taas oo dib u celinaysa hannaankii socday.

Waxaa loo baahnaa dhammaan masuuliyiinta butlaan ka jooga federaalka in ay yihiin kuwo u heellan sidii ay hore butlaan uugu heellanayd dhismaha soomaliya waarta, siidookale waxaa loo baahnaa in ay meesha ka saaran tabashada soo jiitamaysay muddadii dheerayd ee u dhexaysay butlaan iyo dawladda dhexeba, waana taas dhaliisha aan u jeedinayo anigu masuuliyiinta ku metela butlaan dawladda dhexe.



Dhinaca kale waxaa mooddaa in madaxdii timi butlaan muddooyinkii dambe ay ahayeen kuwo amminsan shaqada loo idmaday in ay tahay uun caqabad-gelinta dawladda dhexe, tanna waa dhaliil aan u jeedinayo hoggaannadii uugu dambeeyay ee qabtay butlaan, waxaa loo baahanyahay in hoggaanku ku baraarugsanyihiin butlaan in ay ahayd meeshii soomaali ku nabad heshay, haddana ay butlaan mudantahay in sidii ay soomaali u sii ahaato oo ay ka qayb-qaadato dhammaystirka shaqooyinka soo celinaya soomaliyadii awoodda lahayd.



Haddii hoggaanka butlaan uu mashquul ku yahay jigraaridda “dhibitaanka’ dawaldda dhexe waxaa meesha ka baxaysa in butlaan ay yeelato qiimihii ay hore u lahayd, waxaana si toos ah butlaan luugu arkayaa in ay tahay meelaha ay soomaali ka dhaqaaqi-weyday, waxaa ay butlaan noqonaysaa mid aan meelna laga tix-gelin iyada iyo dadkeedaba.

Wax kasta oo maanta butlaan haysta iyo si kasta oo loola dhaqmoba waxaa sabab u ah madaxdeeda aan marnaba ku hamiyayn ilaalinta wanaaggii Butlaan

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrrodol@gmail.com



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Itoobiya oo diidey fikir cusub oo ka yimi Masar ee dhanka biyo xidheenka

September, 21, 2019
Dawlada Itoobiya ayaa ku gacan saydhey fikir cusub ...

Waa sidee xaalada caafimaad ee fanaanada weyn ee Maryan Mursal

September, 21, 2019
Fanaanada weyn ee Maryan Mursal ayaa hadda ku ...

Jabhad Ka dilaacday gobolka Awdal oo la xaqiijay

September, 21, 2019
Gudoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Faysal Waraabe Qaasim ...

Madaxweynaha Somaliya oo saxiixay sharci muhiim u ah dalka

September, 21, 2019
Madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa qalinka ku duugey ...

Dawlada Somaliya oo xilli u qabatey looga cafiyo deymaha

September, 21, 2019
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...