Thursday, February 27th, 2020
header

Ruwaanda oo qaadanaysa tahriibeyaasha ku xaniban Liibiya

Kadib heshiis dhexmaray dawlada Ruwaanda ee aadka u yar iyo qaramada midoobey iyo midowga Yurub ayaa la go’aamiyay in tahriibeyaasha lagu kufsanayo laguna jirdilayo Liibiya ay qaataan oo la geeyo dalkooda.



Ujeedada ayaa ah in inta Liibiya sidan tahay laga kaxeeyo oo la geeyo Ruwaanda inta la helayo dal sadexaad oo qaada inkastoo aanu jirin xilligan qaasatan wadamada ay u socdaan ee Yurub ama dib loogu celiyo dalalkooda.

Naftood heligeyaasha la qaadayo haday ogolaadaan waxa u badan kuwa ka soo jeeda dalalka geeska Afrika oo dhibka ugu badan ka haysto Liibiya. Ruwaanda ayaa balan qaaday inay siiso deganaansho noqdaana qaxooti la aqoonsan yahay.



Ruwaanda oo ka soo kabatey dagaal sokeeye oo aad u xumaa ayaa ka mida dalalka hadda martigeliya qaxooti aad u farabadan oo ka yimi dalka Koongo ee ay jaarka yihiin. Waana wadamada ka badbaaday cudurka Iboola inkastoo dadka ka yimaada Koongo keenaan cudurka.



Ilaa hadda ma jirto Somali u diyaara inay tagaan dal Afrikaana kana shaqaystaan haddayba jirto. Waxayse sheegeen qaramada midoobey in aan la qasbeyn.

Dawladaha iyagu diidey inay sii hayaan qoxootiga waxa ka mida Tuuniisiya inkastoo dawlada Somaliya xaqiijisay inay jiraan dhalinyaro Somali ah oo loo qaaday dalka fiqiirka ee Nayjar ee ku yaala saxaraha galbeedka Afrika halkaasna ku hungoobeen in laga qaado.



Tan ugu daran ayaa ah in haween Somaliyeed ogolaadaan in la geeyo dal Afrikaana maadaama kuwa ugu horeeya ee laga qaadayo Liibiya iyaga yihiin.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Dayib Erduqaan oo diidey inuu ka baxo Siiriya: waan u cawdey xagjir Taram

February, 26, 2020
Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa diidey inuu ka ...

Dhiigmiiratada shabaab oo diley culimo ay ku jiraan qaar naafo ah

February, 26, 2020
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere ...

Gobolka Banaadir iyo lacagta uu ka qaado xoolaha la aruuriyay

February, 26, 2020
Waxa dhawaan magaalada laga aruuriyay xoolo lo u ...

Maxaa u dambeeyay weerar saaka ay qaadeen ciidamo Somalilaan taabacsan

February, 26, 2020
Xaalada deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa degan ...

Wasiirkii ugu horeeyay oo laga helay cudurka hargabka Shiinaha

February, 25, 2020
Wuxuu qufuc la soo fadhiistey goob uu ku ...

Dhacdooyinka

Dawlada Somaliya oo looga digey inay soo celiso Somalida Shiinaha ku nool

February, 7, 2020
Dawlada Somaliya ayaa loogu baaqay inayna soo qaadin ...

Badhasaabkii diinta caayay oo Muuse Biixi difaacay

February, 6, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii badhasaabka fadhiidka ah ee ...

Warbixinta gabadh shan jira oo Hargeysa lagu kufsaday

February, 5, 2020
Waa arin aad looga argagaxo markaad maqasho gabadh ...

Dawlada Somaliya oo qaaday talaabo ay ku xaqiijinayso xadka Kiiniya: XOG

February, 5, 2020
Dawlada Somaliya oo ciidan ahaan sii xoogeysanaysa taas ...

Cudurka halista ah ee hargabka Shimbiraha oo ka dilaacay Sucuudiga

February, 4, 2020
Urur caafimaadka aduunka ayaa xaqiijay in cudur halisa ...

Gobolka Harawo maanta iyo xilligii hore midkee faaiido qabaan: Falaqayn

February, 3, 2020
Waxa falaqaynta diyaariyay saxafiga da'da yar ee Faysal ...

Badhasaabkii diinta caayay ee Awdal oo toobad keenay iyo Sh Xasan oo u jawaabay

February, 1, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii fadhiidka Muuse Biixi u ...