Sunday, April 21st, 2019
header

Cabi Axmed Axmed oo looga digey inuu faraha la galo siyaasada Somaliya

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa looga digey inuu faraha la galo siyaasada Somaliya kadib matkii la ogaadey inuu isagu ka dambeeyay wefti yimi Hargeysa iyo midkii usbuucii hore tagey Xamar.

Eriteriya oo Itoobiya iyo Imaaraadku wato ayaa rabta inay qaban qaabiso shir ay ugu yeereen isku keenka dawlada dhexe iyo maamulka Muuse Biixi.



“Deganaansho siyaasadeed awgeed laguma tilmami karo maamulka ka jira Hargrysa inuu yahay mid matala beesha ISAAQ ee siyaasiyiintooda qaarkood rabaan inay go’aan taas oo soo jirtey mudada burburka ah laakiin ay jirin cid ka hoos qaada.

Shirkii Ingiriisku ku sirey fadhiid Sheekh Shariif ayaa saxaafada loo isticmaalay sheekada Somaliya iyo Somaliland oo ah fariin qaldan oo ka dhigaysa maamulkaas mid gooniya kadib markii ay ku fashilmeen inay aqoonsi uga raadiyaan Afrika ama iyagu ictiraafaan ayuu yiri Maxamed Qaasim.



Cabi Axmed ayaa laga soo xigtey inuu war ka sugayo Yurub si uu ugu dhiirado inuu qaban qaabiyo shir waqti lumisa oo noocaasa oo Somaliya xilligan u baahneyn. Wakiilada Yurub ayaa baryahan yimaada Hargeysa ayadoo aan tafaasiil laga bixin waxay u yimaadaan.

Sida ugu wanaagsan waa in Somalidu ka tashato arimaheeda, taas oo ah xalka kaliya. Kolba dal loo cararaa waxba faaiido ma soo kordhinayso ayuu yiri Warsame Cigaal oo Hargeysa jooga.



Cabi Axmed ma geli karo arimaha gudaha ee Somaliya waa haduu rabo inuu xiriir fiican la soo yeesho bulshada Somalida, waxa kaliya loo arkayaa inuu wado sii kala fogeynta Itoobiya ka waday dalka mudadii burburka.

Xalku wuxuu yaalaa in dadka reer Woqootiga ah ka tashadaan sidey u dhisan lahaayeen maamul ay dhan yihiin intayna Koofur ula tagin waa go’nayda.

WQ: Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS masuul kama ah figradaha halkan lagu soo bandhigo.



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Warshad kacday oo ku taala Hargeysa oo xaraash lagu bilaabay

April, 20, 2019
Warshad kacdey oo ku taala Hargeysa ayaa lagu ...

Faahfaahin gabdho qurbaha ku dhashay oo lagu gurey jeelka Hargeysa

April, 20, 2019
Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya gabdho midi ...

Wararkii ugu dambeeyay dhacdadii naxdinta lahayd ee hooyada ilmaha laga xaday

April, 20, 2019
Hooyo Naciima Maxamed oo ah hooyada laga xaday ...

Gudoomiyihii hore ee golaha Puntland oo geeriyooday

April, 20, 2019
Gudoomiyihii hore ee golaha Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ...

Dhacdo naxdinleh: Hooyo ilmaheeda laga waayay isbitaalkii ay ku umushay Muqdisho iyo sida wax u dhaceen

April, 20, 2019
Wararka aan ka helayno isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ...

Dhacdooyinka

Ilhaan Cumar oo noqotey xildhibaankii ugu lacag badnaa dhinaca ololaha doorashada 2020

April, 17, 2019
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xagjir Taram sudhey sawirkeeda ...

Soomaali laga soo celiyay Liibiya oo dalka soo gaaray iyo gobolada ay ka tahriibeen

April, 17, 2019
Tiro Somali ah ayaa maanta dalka dib ugu ...

Reer Awdal way isku filan yihiin waana inay iskood isku taagaan: siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi

April, 15, 2019
Siyasiga Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in reer ...

Madaxweyne Farmaajo oo si aan hore looga baran uga hadley amniga Muqdisho

April, 13, 2019
Madaxweyne Farmaajo ayaa si adag uga Hadley amnigha ...

Shaqo noo taal maaha ictiraafka: Maraykanka oo markale ku celiyay: SAWIRO

April, 12, 2019
Safiirka cusub ee Maraykanka u jooga Somaliya ayaa ...

Dhacdo naxdinleh oo ka dhacdey gobolka Awdal iyo dhimashada hal qof

March, 31, 2019
Dhacdo aad u naxdin badan ayaa ka dhacdey ...

Booliiska Maraykanka oo ku guulaystey inay gacan ku dhiigle Somali ah qabtaan

March, 30, 2019
Booliiska Maraykanka ayaa ku guulaystey inay gacanta ku ...