Paris 08 Jan 2015–Ciidanka amniga ee Faransiiska ayaa soo saaray wajiga laba nin oo shalay xasuuq laga naxay ka gaystay xaafad ka mida Paris oo ay ku badan yihiin Muslimiintu. Sadex nin ayaa ka qaybqaatay xasuuqa 12 qof oo ka shaqaynayay wargeys qora kartoonada ama ka maadeysiga madaxda iyo diimaha aduunyada.
Dadka qora wargeyskan ayaa ah dad jahligu dishaday waxana isaga qaldan ka maadaysiga dadka xushmada ku leh ummadaha kale iyo madaxdooda waxayna soo qoreen kartoon ama sawiro ay kaga maadsanayaan rasuulkeena.
Taas macnaheedu maaha in qofkasta oo rasuulkeemna SCW wax ka sheega in uu dil ku xukuman yahay taas haday sax tahay rasuulkeena ayaa amri lahaa xilligii uu diinteena faafinteeda ku jiray waxaanan ognahay in waxkasta lagu sameeyay laakiin markasta duco mooyee aanu daadin dhiig.
Waxana dhici lahayd in si kale looga dhaadhicin lahaa in y jahliga ay qorayaan ka fiirsadaan iyadoo aan ognahay in jahli jarjaray umadaha aan ku dhalan qoysas muslimiina.
Ciidanka Faransiiska ayaa sheegay in ay ku daba jiraan nin kale oo isaguna ka qaybqaatay xasuuqa 12 qof oo xilligaas ku sugnaa xafiiskooda iyo laba booliis ah oo ay ku dareen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS