Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Ciidan uu watay Cabdiwelli Gaas oo xoog ku furtey qayb ka mida garoonka Muqdisho

War Goordhow naga soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wafdigii Puntland ee kusugnaa maalmahaan magaalada maanta garoonka aadan cadde lagu bahdilay.

Masuuliyiin ka tirsan wafdiga Puntland ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo qaabka la isku dayey in wafdiga Puntland loogu bahdilo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirada Puntland ee ka mid ah wafdiga madaxweyne C/weli Gaas ayaa Airport-ka Muqdisho madaxweynaha uga soo hormaray muddo 40 daqiiqo ah sida lagu helayo.

Waxaana wasiirada laga xirtay qaybta VIP-da iyagoo mudadaas 40-ka daqiiqo ah taagnaa bannaanka halka diyaaradaha madaxdo ka raacdo.

intaas ka dib waxaa soo galay Madaxweynaha Puntland oo wata Ciidamada gaarka u tababaran ee P I S loo yaqaano, sidii si la mid ah ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loo diiday qaybta V I P, waxaase albaabka xoog ku furay Ciidamada gaarka ah ee C/weli Gaas.

Waxayna taasi dhalisay Muran dhex maray qaar kamid ah shaqaalaha qaybtaas, iyo Ciidamada gaarka ah eeC/weli Gaas, iyadoona ugu dambeyn ay halkaasi ka dhoofeen wafdiga Madaxweyne C/weli Gaas.

Arrin ayaa ku soo aadeysa Xili P/land ay si weyn uga soo horjeesatay Warmurtiyeedka laga soo saaray Shirkii Madasha wadatashiga ee Muqdisho ka socday iyo Qaabka doorashada ee 2016-ka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...