Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa fadhigooda maanta ka socda magaalada Muqdisho waxaa la hor keenay heshiiska Madasha Qaran ee qaabka doorashada oo shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Qodobada Heshiiska ayuu dalbaday Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid in la ansixiyo oo sharci laga dhigo, kadib dood kooban oo golaha wasiirada ka yeesheen waxay isla markiiba gudaha galeen in la ansixiyo heshiiska qaabka doorashada sanadkan 2016.
Doorashada xubnaha aqalka sare ayaa la sheegay inay ka dhaceyso caasimadaha maamul goboleedyada, iyadoo sharci faahfaahin laga dhigi doono heshiiska.
Wararka hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in golaha wasiirada uu ansixiyay heshiiska qaabka doorashada dalka ee sanadkan 2016-ka oo shalay ay shaacisay dowladda Federaalka.
Heshiiskan ayaa Soomaaliya u yeelaya laba aqal oo Baarlamaan, waxaana weli diidan maamul Goboleedka Puntland oo madaxweynahooda uu sheegay inuu kula noqonayo maamulkiisa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS