Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Cudurka Iboola oo ku dhow in daawo loo helay: WARBIXIN

Waxa in muddo ahba socdey sidii daawo fiican loogu heli lahaa cudurkan halista ee Ibola ee ka dilaacay dalakja Afrikada Galbeedka ayna xuduntiisu ahayd dalka yar ee Gini kadibna ku faafay dalalka faqiirka ee Laybeeriya iyo Siiraliyoon.

Dhimashada cudurka ayaa gaaraysa in ku dhow 20,000 oo qof mudadii uu aadka u kacsanaa. Waxana la cadeeyay in laga qaado hilibka duurka ee ay cunaan Afrikaanka ku nool dalalkaasi.



Cudurkan aya sanadihii dambe soo gaaray Afrikada Bari siiba dalalka Yugaandha iyo Kiiniya. Somaliya oo ay joogeen ciidamo Afrikaana oo qaarkood ka yimaadeen Afrikada Galbeed sida Siiraliyoon ayaa markiiba laga saaray.

Waxase jirey walaac ah in cudurka soo gaaray Kiiniya iyo Yugaandha ay Somaliya u soo gudbin karaan askarta Yugaandheeska iyo kuwa Kiiniya.



Hadaba Afar daawooyin oo baryahanba ku jirey tijaabo cudurka ayaa la sheegay in laba ka mida dadka ka daaweeyeen boqolkiiba 90 taas oo ka dhigan in qofku sii noolaan karo inta daawo wada buuxda la helayo.

Shirkada ka hortaga cuncunka iyo cudurada faafa ee Maraykanka oo iyagu daawadan la-waday hay’adda caafimaadka aduunka ayaa sheegtay in labo daawo oo tijaabo ahaa laguna magacaabo REGN-EB3 iyo mAb114 lagu arkey in boqolkiiba 90 ka daaweeyeen dad cudurka qabay haddana la geyn doono dalka Jamhuuriyada Koongo.



Jamhuuriyada Koongo ayaa hadda ah halka uu cudurkani ku dambeeyay markii horena ka soo ifbaxay sanadii 1976. ”Waxay tani fursad na siinaysaa in cudurkan bartiisa lagu xanibo oo uuna waxyeelayn bulsho balaadhan ayuu yiri madaxa urur samafala oo hawshan qayb ka ah.

Halista cudurkan ayaa ah in haddii uu kugu dhaco in maalintaas ay kuugu dambeyso ehelka iyo qaraabo oo xataa ayna iman Karin xabaashaada. RABI ha inaga hayee.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...