Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay shir dhawaan Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalka Somaliya, shirkaasi oo looga hadlaayay aayaha Somaliya ee sanadka 2016ka.
Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray in Bulshada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Muqdisho ku nool inay xaq u leeyihiin inay aragtidooda ka dhiibtaan , islamarkaana go’aankooda ah in wax loo kala qeybsado Koonfur iyo Waqooyi ay ku saxan yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Dadka jooga Xamar asal ahaan wey kasoo jeedaan Somaliland, xaq bay u leeyihiin inay tagaan, xaq bay u leeyihiin inay dhahaan hadii wax la qeybinayo halagu qeybiyo Koonfur iyo Waqooyi, waan ku boorineynaa hadii ay iska diideen qabiilkii iyo maamulkii, laakiin Somalilnd iyo Somaaliya wada hadalkooda waa caalami, waxaana gacanta ku haya caalamka, laakiinse nimankaan Xamar ku shiray waa muwaadiniin reer Somaliland ah, xaqna wey u leeyihiin inay aragtidooda dhiibtaan waana bogaadineynaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Hogaamiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay ra’iyi dhiibashada dadka reer Waqooyiga macnaheeda inaysan aheyn in Somaliya iyo Somaliland la isku daray. “Ra’yi waa la dhiibtaa ceebna ma ahan, micnaheedu ma ahan dalalkii baa la’isku daray, idinka baa ka dhigay wax weyn, laakiin waa dad Soomaali ah oo muujinaya ra’yigooda” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Waraabe.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM