Cadan–Dagaalyahaniinta Xuutiyiinta iyo ciidanka Yaman ayaa qayb yar ku ooday koox u dagaalamaysa madaxweynihii la riday ee Xadi halka dhinaca kale Sucuudigu u soo daadiyay kooxdaasi hub iyo qalab isgaarsiineen oo ay ku sii dagaalamaan. Cadan ayaa ka kooban qaybo waxana kooxdan ayaa qoryaha badan wadan lagu oodey koone badda ah oo ayna jirin dhinac ay uga baxaan.
Haddii laga sifeeyo Cadan waxa markaasi dawlada cusub ee Yaman ku dhawaaqi doontaa in dalka intiisa badan xoreysay.
Sucuudiga ayaa urursanaya xulufo u dagaalanta oo aan carabta khaliijka ahayn sida wadamada gaajada ah ama burburey sida Masar, Suudaan, Marooko iyo Somaliya hadayba ciidan ka helaan.
Dhinaca kale argagixisada Al-qaacida oo Sucuudigu hub siiyo ayaa qabsaday magaalada dekeda ah ee Mukalla caasimad goboledna u ah gobolka Xadramawt.. gobolkan ayaa xad dheer la leh Sucuudiga.
Dagaalyahaniinta Xuutiga ayaa iyagu sheegay in ay diyaar u yihiin in Sucuudiga iyo wixii la mida ay iska celiyaan. Sucuudiga ayaa taageero dhinaca sirdoonka, amniga diyaaradahooda, isgaarsiinta, goobaha la weerarayo ee Xuutiyiinta intaba ka helaya Maraykanka iyo Yuhuuda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS