Tuunisiya–Wasiirka arimaha dibedda ee Tuunisiya Tayib Baccouche ayaa sheegay in dalkiisu dib uga furan doono safaaradiisa dalka Siiriya oo ay hore xiriirka ugu jareen iyagoo ku eedeeyay in ay dilayaan dadka Sunniga ah hadase maxaa is bedelay sowka wali dagaalku socdo dhul badana argagixiso kala duwan ay gacanta u galeen.
Tuunisiya ayaa hadda leh waan qaldannahay ee albaabkii argagixisada ayaan isku furney hadana waxaan ku daba jirnaa dhalinta dalkeeda ee ku biirey argagixisada IS ama Daacish oo xasuuqyo xun ka wada Siiriya iyo Ciraaq.
Tuunisiya oo bishii hore dhiigmiirato argagixiso ah ay xasuuqeen dad ajaaniba oo dalxiis u joogey dalkooda, ayaa hadda ku raadjoogta dhalinta dalkeeda ka tagey ee joogta wadamada argagixisadu fowdada ka dhigtey sida Siiriya iyo Ciraaq.
Tuuniisiya ayaa sidoo kale xiriirka la soo ceshatay dalka burburey ee jaarkeeda ah ee Liibiya kaas oo iyadna ay xiriirka u gaysay hadase ay ogaadeen in qaar ka tirsan ragii dilka gaystey ay tababar ku soo qaateen Liibiya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS