November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dagaalyahaniinta Xuutiyiinta oo kala diray barlamaankii dalkaasi Yaman dalkana u magacaabay gudi shan ka kooban

_80835469_80835468[1]Sanca-Araabinews–Dagaalyahaniinta dalkaasi Yaman ee Xuutiyiinta ayaa kala diray barlamaanka kadib markii uu ku guuldaraystay in uu xaliyo khilaafka ka jira oo hadda awooda ugu weyni ay tahay Xuutiyiinta oo soo celiyay kala dambeyntii. Dalka ayaa burbur ku dhow iyadoo la sheegay in mishahar la bixin karo oo qudha bishan.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in dalka ay hadda la wareegeen guddi ka kooban shan kuwaas oo kala hagi doona arimaha dalka inta laga qabanayo doorasho.

Sucuudiga ayaa ka cadhooday qabsashada Xuutiyiinta waxana laga yaabaa in ay lacago badan ku caawiyaan mucaaradka si dalka u kala gooyaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS