22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dalxiisayaal magan u ah Tuunisiya oo lagu xasuuqey xeeb ay ku cadceedsanayeen : yaa gaystey xasuuqan iyo dhimashada

Tuunisiya–Nin bastoolad ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad dalxiisayaala oo u badan ajaanuib wadanka magan u ah waxana la sheegayaa in uu xasuuqey ugu yaraan 27 qof. Xasuuqan ayaa imanaya iyadoo dalkaasi Kuwaiot ay ka dhacday xasuuq ba’an oo muslimiin tukanayay la isku qarxiyay. Xasuuqyada noocana ayaa lagu yaqaan kooxaha neceb nolosha baniaadam sida Daacish oo Sucuudigu taageero, Shabaab iyo Boko xaraam.

Nin Ingiriisa oo isagu ku jiray huteel ayaa sheegay in isagu arkay nin bastoolad wata laakiinse aanu sheegin Karin in uu yahay ninkii wax dilay iyo in uu yahasy ciidanka booliiska.

Tuunisiya ayaa ku jirta feejignaan dheeri ah iyadoo dalkeedu ka baxay fowdada ka dhacaysa carabta ee ay kla wadaan argagixisada Daacish oo hadda soo cagadhigatay Liibiya.

Tuunisiya oo ah dal degan waxa dalxiis u yimi 6 milyan sanadkii tagey waxana ku xiran dalxiiskaas ilaa boqolaal mashruuc oo dadku shaqo ka helaan. Dalka ayaan soo saarin wax sidaa u badan.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM