Wednesday, November 29th, 2023
header










Meta







Daraasad kooban oo socota oo ARAABINEWS ku eegtay saxaafada beesha dhexe intii kacdoonku ka curtey Adal maxaase soo baxay

imagesTLPW6C2XDaraasad kooban oo socota oo ARAABINEWS ku eegtay saxaafada beesha dhexe intii kacdoonku ka curtey Adal ayaa waxa soo baxday baryahan dambe khaasatan usbuucyadii u dambeeyay in saxaafada xorta ah ee gobolada ADAL ayaa durba cunaqabad ku noqdeen maamulkii Somaliland ee Hargeysa.

Iyadoo hadda Somalida badankeedu u hanqaltaageysa xaalada ka taagan gobolada Adal si wayna u akhristaan saxaafada ka soo baxa gobolada Adal. Hadaba maxay qoraan saxaafada beesha dhexe kadib kacdoonkii ka curtey ADAL ee shacabka mid aamusan iyo mid waliba si dadban u raacsan yahay salaadiinta kacdoonka wada.

Daraasadan socota ee ay samaysay warbaahinta ARAABINEWS.COM ayaa ku soo ururtey laba halqabsi: Maxay rabaan sideed sano ay xukunka hayeen iyo xagee u socdaan Xamar maba gaadhi karaane yaase uga futo xun anagaba kumanaan ayaa nooga dhimatay mar aan Xamar dalbanaye.

Saxaafadaha beesha dhexe qaarkood ayaa cay iyo xaqiraad la dulfuuley Suldaan Wabar iyo beesha Samaroon guud ahaan waxa taas ka sii daran baraha bulshada oo ay cay meelwalba u dhigeen suldaanada kacdoonka iyo Samaroon guud ahaan.

Waxaan isku daynay bal inay jiraan kuwa ka yar fog xaqiraada beesha waxase noo soo baxday in ay aad u yaryihiin oo marka laba eryay ay qoreen hadana ay ku xigto ”maxay rabaan”.

Isku soo wada duuboo daraasadan kooban ee aan soo bilowney bishan horaanteedii ayaa kuu muujinaysa in maamulka beesha dhexe kaliya fahmo dagaalka.

Halka saxaafadaha reer ADAL ay iyaguna soo bandhigeen in aan reer ADAL waxba ka maqneyn kaliya rabaan in ay ciyaaraan sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen.

Daraasadan way socotaa waxayna kolba eegaysaa sida uu isku bedelo hadalada siyaasiyiinta beesha dhexe oo u badan kuwii ka falaagoobey dawladooda iyo dadkooda horena u khiyaamay dadkooda.

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...