Saturday, July 13th, 2024
header










Meta







Sirdoonka Ingiriiska iyo Maraykanka oo jabsaday shirkad moobilada u samaysa aalada Sim-ka

Holland–Sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska oo hore loo sheegay in ay dhegeystaan teleefanada aduunka, akhristaan iimaylada dadku isku diraan, eegaan siraha ku jira baraha bulshada ee gaarka layskugu diro ayaa hadda jabsaday shirkada moobilada u samaysa aalada uu ku shaqeeyo ee Sim-ka.

Sirdoonadan casriga ah ayaa kadiib sameeyay in ay bedelaan furaha Sim-ka sidaasna macluumaadkii qofka iyo shirkada uu kaga jiro u weeciyay xarumahooda halkaasna ka dhegeysta akhbaarada codka ah ee laysku diro iyo fariimaha kale ee hadalka.

Habka khatarta ah ayaa waxa qarxiyay ninka loo yaqaan Snowden oo isaga aduunku u haysto nin qarxiyay siro badan oo aan hore loo ogaan.

Shirkada samaysa Sim-ka oo xarunteedu Holland laguna magacaabo Gemalto ayaa iyadu sheegtay in ay baadhayso arintan halista ku ah shaqada ay u hayso shirkadaha teleefanada.

Shirkadan ayaa macaamiisheedu yihiin shirkadaha teleefanada waaweyn ee AT&T iyo Verison oo Maraykana, T-mobile oo Jarmala iyo shirkada Sprint oo iyaduna Maraykana.

Macaamiisha shirkadahaa ayaa gaaraya ilaa 100 milyan oo qof hadayna ka badnayn waana arin ay ka cadhoodeen.

_81122372_sim2[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...