Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Dawlada oo cadaysay cida wakiil eryi karta

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu xaqiijay cida dalka ka eryi karta wakiil ee ay shaqadeeda tahay. Qoraalkan ayaa imaanaya xilli Rooble Baahane warqad loo soo qorey uu ku sheegay inuu eryay ergayga midoga Afrika.

Qoraalkan ayaa sidan u qornaa



Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dawrka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo qeybta libaax ee ay ka soo qaateen dowlad dhisidda Soomaaliya iyo dagaalka aan kula jirno kooxaha argagixisada.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka.

Go’aan kasta oo taabanaya xiriirka aan dunida la leenahay iyo joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka waa mid saameynaya iskaashiga aanu la leenahay caalamka, waana tallaabo u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi.

Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna waa mid sal adag oo aan ku dhisnayn caadifad, abaal dhac iyo dano gaar ah, Soomaaliyana waxa ay kamid tahay asaaseyaasha Midowga Afrika oo hawlgalka Soomaaliya ku bixiyay dhiig iyo waqti aysan shacabka Soomaaliyeed ilaawi doonin.

Dalkeennu wuxuu ku jiraa xilli ay doorashadu gabogabo marayso, ayna lagama maarmaan tahay taageerada saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika oo gacan wayn ka gaysanaya amniga doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee dalka.



Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...