Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Dawlada oo la rafaadsan soo celinta khadka Internet ee Koofurta dalka

Dawlada Somaliya ayaa sheegtay in welli la raadinayso waxa sababay in la waayo khadka Internet-ka muddo hadda ku siman laba cisho. Waxa si weyn looga dareemay dhamaan gobolada Koofurta dalka iyo bartamaha. Maaha markii ugu horeysay ee khadku go’o.



Sanadii 2017 ayaa sidan oo kale dhacday markii markab jariifa uu goostey xarigii badda marayay ee siinayay internet-ka Koofurta dalka.

”Maadaama badda Somaliya aan cidi ilaalin waxa xanibaado dhigtey badda maraakiib reer Yurub iyo Eeshiya ka yimi oo daldasha kaluunka badda kana sameeya balaayiin doolar ayuu yiri Cali Calasow.



”Xataa dawladu ma haysato khad gooniya, waxayna wax la qabtaa dadka inteeda kale oo hadda isticmaalaya khadka saatalaytka ee qaaliga ah ayuu raaciyay Cali Calasow.

Waa meelaha dawladu ka gaabisay inay wax ka qabato waxaan dareensahay inayna ogeyn in dhaqaalaha casriga uu ku xiran yahay internet ayuu qabaa Xuseen Warsame.



“Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo halka ay ka timid cilada iyo waxa sababay, waxaana loo malaynayaa in caaga ama fiilada badda soo marta ee internetka soo geliya Muqdisho ay ciladu ka timid, marka la ogaado cilada baaxada ay dhan tahay ka dib ayaana loo dhaqaaqi doonaa in la xaliyo, lamana sheegi karo xiliga ay qaadan karto” ayuu yiri wasiirka isgaarsinta Inj. Cabdi Canshuur Xasan.

Xadhiga internetka ee badda hoosteeda waxa inta badan waxyeeli kara maraakiibta waaweyn ee kaluumeysiga iyo dhul gariir. amase in si ula kaca loo jaro. Shirkada iyadu shaqada ku leh ayaa qabta in si ula kaca loo jaray laakiin welli ma hayso faahfaahin buuxda.

Dhinaca shirkada Hormuud ayaa iyadna leh waxa timi cilad badda hoosteeda ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...