X

Dawlada Somaliya oo fasirtey hadal si qalada loo turjumey iyo dekedaha lala wadaagayo Itoobiya

Dawlada Somaliya ayaa fasirtey hadal si qalada looga turjumey RW Abiy Axmed oo ahaa in Itoobiya iyo Somaliya noqonayaan hal dal.



Wasiirka warfaafinta Somaliya Daahir Muxumed Geelle ayaa sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya sikale loo dhigay,isla markaana ujeedkiisu uu yahay in la noqdo labada dal oo iskaashaneysa oo mid ah,isla markaana wax wada qeybsada lakin uusan aheyn mid Soomaaliya iyo Itoobiya ay hal dal wada noqonayaan.



Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in dekadaha ay la wadaagi doonaan Itoobiya  ay dowladda Soomaaliya go’aan ka gaari doonto,isla markaana Magacyada dekadahaas ay dowladda dib ka faah faahin doonto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.