Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey dagaal beeleedka gobolka Sool. Tuulada Dhumey ee gobolka Sool ayaa waxa isku cunaya laba beeleed oo aan la garanayn waxay isku haystaan.
”Ma jirto dhul laysku haysto mana jirto ceelal laysku haysto ayuu yiri caaqilka mida odayaasha Sool markaa ma maqaan waxa dagaalku yahay.
Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqayaan Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.
Waxaa ayaan darro ah in ay soo noqnoqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada Gobalka Sool.
Dowladda Federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas, Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu waxa ay farayaan Hay’addaha gargaarka dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS