Sunday, December 8th, 2019
header

Deg Deg: Nin tahriibe ah oo xaqiijay dhimashada Somali la fuushanayd

Maxamed Aadan Oga oo Itoobiyaan Oroma ah kana mid ahaa tahriibeyaal Somali ku jirto iyo weliba haweenay uurleh ayaa laga soo badbaadiyay keligii doontaas. Maxamed oo waraysi bixiyay ayaa sheegay inay Ka soo raaceen doonta magaalo xeebeedka Saawiya ee Liibiya.



“Waxaan ahayn 15 oo ah nin iyo naagtiis oo uurleh oo Ka soo jeeda Gaana, Laba Itoobiyaana iyo 11 Soomaali ah ayuu yiri Maxamed.

Waxa naga dhamaadey shidaalkii, waxa ku xigtey cuntadii, waxana u dambeysay biyihii kadibna waxaan bilowney inaan cabno biyaha hadda ayuu raaciyay.



Waxa na dhaafaya doomo, helikobtaro wax noo istaaga ayaan waynay kadib waxa bilowdey dhimashada labadii qof ee ugu horeeyay.

Maxamed oo  markii uu Liibiya tagey ay is barteen nin Somali ah ayaa si qiiro leh uga hadley dhimashada dadkii ay wada socdeen. “Waa kuleyl waana cadceed kolba qofkii dhinta badaan ku tuurnaa ayuu yiri isagoo ilmo ku joogto indhihiisa.



Maxamed wuxuu Ka hadley sida aakhirkii ay isaga iyo hal wiil ay ku soo hareen doonta caaga ahayd uuna wiilku ku yiri maxaa inoo yaala aan badda isku tuurno ana aan ku iri ” adu hadaad is dileyso is dil aniguse isma dilayo.



Waxa ugu dambeyn keligii soo badbaadiyay helikobtar ay leeyihiin dalka jasiirada Malta kadib markii uu badda ku jirey 11 maalmood.

Rabi ayaa ii soo direy helikobtartaa ayuu yiri Maxamed Aadan qiiro hadley. Kumanaan ay Somali ku jirto ayaa naftooda ku haligey badda  u dhaxaysa Carabta iyo Yurub.

Doontan lagu hoobtey ayaa Isniintii dhaweyd ka baxdey Liibiya.

Sawirka hoose waa doontii tahriibeyaashu ku dhinteen oo hal meyd ku jiro

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Faysal Waraabe oo ugu dambeyn dacwad lala fuuley

December, 8, 2019
Xildhibaanada taageersan Muuse Biiixi ayaa ugu dambeyn go'aansadey ...

Qoys ka kooban afar oo ku dhintey guri ku soo dumey Hargeysa

December, 8, 2019
Dhacdo naxdinleh ayaa ka dhacdey Hargeysa kadib markii ...

Webiga Shabeele oo markale sameeyay fatahaad iyo barakac horleh

December, 8, 2019
Kadib roobab laxaadleh oo markale Ka da'ay Somali ...

Siyaasi Cabdi Shootali oo qarxiyay gacanyarehii Siilaanyo iyo sida daaro uga dhistey qurbaha

December, 7, 2019
Siyaasiga Cabdi Shootali ayaa qarxiyay sida gacanyarehii Siilaanyo ...

Baadhis lagu bilaabay haweenay si ula kaca u dishey askari

December, 7, 2019
Shalay galabtii ayay ahayd markii haweenay ay Muqdisho ...

Dhacdooyinka

Sirdoonka Somaliya oo horumar sameeyay iyo argagixis markiiba la qabtey

December, 4, 2019
Sirdoonka qaranka ee afka qalaad loogu soo gaabiyo ...

Xaaska taliyaha la nool cudurka keena aydhiska oo si qiiro leh uga hadashay nolosheeda

December, 3, 2019
Xaaska taliyaha la nool cudurka keena Aydhiska oo ...

Turkiga oo ku dhaqaaqaya arin ka sii nixinaysa Maraykanka iyo Yuhuuda

December, 2, 2019
Afhayeen u hadley madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in ...

Tirada ku dhintey daadadkii Jabuuti oo korodhey

December, 2, 2019
Waxa sii kordhey tirada guud ee ku dhintey ...

Somalilaan mardhow waa lagu kala tagayaa: Cali Gurey

December, 1, 2019
Siyaasiga Cali Gurey ayaa sheegay in maamulka Somalilaan ...

Taliye xaaskiisu u qarisay cudurka keena Aydhiska oo la dalacsiiyay

December, 1, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii dhamme Bashiir Cismaan Cawad ...

Kuuriyada Woqooyi oo gantaal saxa ugu hanjabtey Jabaan

November, 30, 2019
Wadanka aadka u xooga weyn ee Kuuriyada Woqooyi ...