Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Degdeg: Xildhibaanad laga soo doorto Gaarisa oo nolosheeda halis ku jirto

Waxa dhawaanahan baraha bulshada la soo geliyay xildhibaanad Canab Suubow Guure oo laga soo doorto Gaarisa ee gobolka Somalida ee Kiiniya oo agteeda uu yaalo calanka Somaliya iyo sawirka madaxweynaha qaranka Maxamed Farmaajo.

Haddaba waxa markiiba xildhibaanada ku xoomey askarta Kiiniya oo ka qaaday xildhibaanada ilaaladii guriga joogtey isla markaana loo hanjabay, taas oo nolosheeda ay hadda ku sugan tahay halis.



”Ilaa iyo intii sawirada la daabacay waxa gurigeyga la soo dul dhigey ciidan waxana la iga qaaday ilaaladii ii gaarka ahayd ayay tiri Canab Suubow Guure, hadda nolosheyda ayaa halis ku jirta ayay raacisay.

Sawirada Canab Suubow Guure

Qareen u hadlay dawlada Kiiniya ayaa sheegay in uu shaki geliyay daacanimada Canab ay u tahay dalka maadaama ay dal cadow ah soo bandhigtey sawiradeeda. Waxaad is weydiin kartaa yaa dalkooda la haysta ma Kiiniya mise dalkeena ayuu yiri Cali Calasow.



Si kastaba ha ahaatee Canab ayaa qabta in loo eryanayo xisbiga ay ka tirsan tahay oo ah kan madaxweyne ku xigeenka dalka, waxana markiiba difaacay isla xisbigaas oo cambaareeyay askarta la duldhigey. ” Waa la ii yeeri karaa anigu xildhibaan ayaan ahay Kiiniya waa dal xora laakiin cagah]juleyn iyo cabudhin waxba la igama qaadi karo ayay turi Canab.



Waxa taas qaba xisbigaada oo su’aalo kulul ka keenay ciriiriga la geliyay xildhibaanada. ”Maxay tahay calanka Somaliya lama taagi karo kan Maraykanka waa la taagi ayuu yiri xildhibaan Cabdiqaadir. Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in Uhuru rabo inuu halis geliyo nolosha xidhibaanadan ayuu yiri Cali Calasow.

Shacabka Somaliyeedna isha ayay ku hayaan arintan, waxayna diyaar u yihiin shacab iyo dawladba inay garab joogsadaan xildhibaanad Canab Suubow Guure.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...