Waxa tuulada Maydh ee gobolka Sanaag laga bilaabi doonaa deked ay yeelato xilli tii Lughaya ee ka horeysay ee Samaroonka dhagxaanta loo dhidhigey welli aan cidi u dhaqaaqin. ”Waxay ka mid tahay cunaqabatayna beesha dhexe saartey ayna ugu daba rucleynayaan siyaasiyiinta fadhiidka ee gobolka ayuu yiri Xuseen Warsame.
”Gobolkan wuxuu u dimanayaa siyaasiyiin la’aan, waxa jiri jirey xoogaa odayaal oo marmar hadli jirey kuwiina jufaa loo kala jebiyay xilli hore, marka hadda gobolku male mana lahaan jirin siyasiyiin cadkooda u soo gooya ayuu raaciyay Xuseen Warsame.
Tuulada Maydh ee ku taal gobolka Sanaag ayaa Muuse Biixi ku naasnuujinayaa beesha degta waxayna ka mid ahayd heshiiskii Caare lala galay iyo laami iyo dekedba loo sameeyo.
”Waxan ku rajoweynahay in aan dhawaan ka faraxalano dhismaha dekeda oo qandaraas lagu siiyay shirkad degan Imaaraadka Somalina u shaqayso ayuu yiri gudoomiyaha shirkada ee fadhigiisu Hargeysa.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS