Inkastoo Qofkii aduunyo jooga uu la kulmayo dhacdooyin la yaab leh ayaa hadana mararka qaarkood dhacdooyinka waxay kula noqonayaan kuwo aan caqli gal ahayn. Gabar arday ah oo ku fogaatay isticmaalka Facebooka ayaa waxay la kulantay dhacdo aysan fileyn oo wadno Qabad ku noqotay waxaana lagu Qoray wargeyska caanka ah ee Daily Mail.
Gabadhan iyo Aabaheed ayaa Facebooka iska bartay magacyadooda ayuuna wargeysku qariyay si aan loogu Fadeexeen.
Gabadhaan oo markii ay jirtay 13-sano Facebooka ay iska barteen nin run ahaan Aabaheed ah laakiin wax badan ay ismoogaayeen ayaa waxaa Facebook ku dhexmartay sheeko jaceyl oo mudo sanado ah qaadatay taasi oo ugu danbeyn dhalisay in Aabihii Gabadhiisa u galmoodo.
Qaadiga Maxkamada ku taalo magaalada South Yorkshire ee dalka Ingiriiska oo dhageysanayay dacwada Labadani ruux ayaa si aad ah ula yaabay, isagoona ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo waxuushnimo ah.
Markii ugu horeysay oo Gabadha iyo Aabaheed Facebooka iska bartay ay kulmaan ayaa waxay ku casuuntay gurigeeda.
Sida Maxkamada dhageysaneysay shaacisay ninka ayaa Gabadha uu dhaley ee dhalinyarada ah u galmoonayay mudo ku siman lix bilood oo haasaawahooda jaceyl sida uu Daily Mail qoray.
Gabadha ayaa Maxkamada u sheegtay in waxan oo idil aysan ka warheyn islamarkaan ogaal la’aan u sameysay.
Maxkamada oo dacwada dhageysatay ayaa Aabaha ku xukuntay hal sano oo xariga halka Gabadha loo sameeyay hooy lagu xanaaneeyo maadama iyadoo da’yar jirta galmood ay la sameysay nin ka weyn hadana aabaheed ah.