Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







SIR: Derbiga Kiiniya ay ka dhiseyso xuduudka Somaliya: Xaalad amni mise dhul boob cusub?

Kiiniya waxay ku dhawaaqday inay derbi weyn ay ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomaaliya si amaankeeda ay u ilaaliso ugana hortagto weeraro xuduudka uga soo gudba oo dhinaca Soomaaliya uga yimaada. Arintan oo waqti yar ka hor ahayd mid hadal ku eg ayaa hadda noqotay xaqiiqo iyadoo ay bilaabatay howsha dhismaha Derbigaasi.

Xaaladda nabadgelyo ee sii xumaatay iyo weeraro dad badan lagu dilay oo ay sheegatay argagixisada shabaab ayaa ka dhacay dalka Kiiniya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto, waxaana warar is khilaafsan ka soo baxeen madaxda dalka Kenya oo ciidamadooda Soomaaliya jooga aanay waxba ka qaban ammaankooda oo ahayd sababtii ay Soomaaliya u soo faragelisay Kenya.

Kuma cusba dunida in derbiyo laga dhiso xuduud ka dhaxeysa laba dal, waxaana jira sababo kala duwan oo derbiyadaas oo mashaariic waaweyn ah loo sameeyo. Derbiga ay Israaiil ka dhistay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ay ku boobtay ayaa ahaa midka xilligan ugu caansan derbiyada noocan oo kale ah, waxaase la soo qaadan karaa derbiga Mareykanka ka dhisay xuduudka uu la wadaago Mexico si looga hortago tahriibka dadka. Sacuudiga ayaa sidoo kale qorsheystay inuu derbi ku wareejiyo xuduudka uu la leeyahay dalka Ciraaq.

Derbiga ay Kiiniya ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomalaiya wuxuu uga duwan yahay dhammaan derbiyada aan soo sheegnay waxaa dhismahan uu soo baxay iyadoo Kenya iyo Soomaaliya ay dacwad ku saabsan xuduudka Badda dhex taallo, isla markaana ciidamada Kiiniya ay joogaan Koonfurta Soomaaliya.

Suaasha is weydiinta leh waxay tahay sida Kiiniya loogu aamini karo inay keligeed iska dhisato Derbigan iyadoo horeba ay u sheegatay qeyb ka mida xuduuda badda Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid hubineysa inaysan ku xadgudbeynin dhulka Soomaaliya, tiiyoo aanay jirin dowlad awood leh oo la xisaabtami karta dalalka deriska ah ee u ooman inay dalka beylahda ah kala dhantaalaan.

Dowladda Kiiniya waxay marar badan meesha ka saartay dalabka xisbiga mucaaradka ee ah inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya, waxay kaloo ku guuldareystay inay ciidamadeeda ka midka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wax la taaban karo ka qaadaan aaga ay joogaan ee Jubbooyinka.

Weerarada argagixisada shabaab iyo kooxaha la xiriira ku qaadaan Kiiniya waxay u badan yihiin kooxo ku sugan gudaha Kiiniya, waxaana iska cad in Derbiga la dhisayo aanu wax weyn ku soo kordhin doonin nabadgelyada gudaha Kiiniya, dhaqaale fara badanna uga bixi doono, waxaase anaga noo daran inuusan dhulkeena markii horeba la qeybsaday ku xadgudbin taasoo dowladda Soomaaliya tabar kasta ha lahaatee looga fadhiyo inay hubiso arrintan xasaasiga ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kiiniya wuxuu caddeeyay inaysan dowladda Kiiniya soo ogeysiin waxna kala socon arinta dhismaha derbiga ay Kiiniya dhiseyso xuduudka Soomaaliya iyo Kiiniya, wuxuuse sii carabaabay inay ka hadli doonaan marka dowladda Kiiniya ay kusoo wargeliso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...