X

Donald Trump oo wax ka sheegay xaaska nin Bakistani ah oo Trump dhulka ku jiidey

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi Maraykanka Donald Trump ayaa nin Bakistani ah oo wiilkiisu ku dhintey Ciraaq oo ka hadlay shirkii xisbiga Dimoqradiga kaasoo dhulka ku jiidey Trump kuna sheegay nin aan akhrin dastuurka Maraykanka.

Trump oo ka jawaabayay eedayntaas ayaa marka hore amaanay wiilka askariga ah ee lagu diley Ciraaq ee uu dhalay wuxuuse wax ka sheegay xaaskiisa oo uu yiri ”bal u fiirsada way agtaagan tahay waxaan u malaynayaa looma ogola in ay hadasho.

Trump ayaad moodaa dhaqanka Bakistaniyiinta oo ah kan ugu xun adduunka kaas oo dumarka loo isticmaalo wax ninku leeyahay iyagoo aan loo ogolayn in ay guriga ka baxaan haday baxaana dil ku xukuman.

Waxase ka difaacay eedaas ku xigeenka Hillary Clinton oo yiri waxay muujinaysaa in Trump aanu lahay wax ogaansho.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.