Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Dudumo Ciidi Ma Ka Maydhantaa ( Abdi-Shotaly)

Horaa loo yidhi ” Dudumoo-yinkoo lala hadlaa, Damac ma yeeshaane” Waxa cayn-kaas ka dhigan Waa ka ay dadka moodeen,
kuna sheegaan wax ay ku magacaabeen wasaaradda doqon ma waydo, ee ay ula baxeen” Wasaaradda war-faafinta iyo wacyi gelinta ” Maxaa magac iska ba’ay”.

Isagaa loo wakiishay wacyi gelin iyo in uu dad isi soo hortaago oo wax u sheego’e. Murti kale oo sarbee-baysan baa waxay ina odhanaysaa ” Qofka is yidhaaha dudumo ciid ka maydh” waa ruux aan caadi ahayn, maskaxina ku jirin, oo aan fekerin ilayn gebigee-duba ciid bay ka samaysan tahaye.

Haddii la isku dayo in laga dhameeyo ciidana, waa in ay meesha ka baxdaa, oo la waayaa dudumadu siday u dhan tahay. waa sidda magacii Somaliland loo waayey ee uu meesha uga baxaye.

Akhristaw hadaba qofka Af-dulaaq” waxa u dirtay ” Waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane” Saw maaha qaar ka sii liita, waayo xaal-kiisu waa ka dar oo dibi dhal.

Murti ay isticmaalaan xoola dhaqatadu baa waxay ahayd ” Adhi daasad kama il-baxo” waxa afka kala qaaday, oo is yidhi wax baad ku hadlaysaa ama sheegaysaa, kaan sare ku soo carabaabay, ka dib-na siddii sacii la yidhi wuxuu la ciyaa ama la aamusaaba ” Waa Bacaac” buu siddii u caadiga ahayd Xumbaddii uu qubi jirey ka soo waq siiyey.

Hore baa markii uu Tog-dheer ka badhisaabka ahaa, ay reer Burco ugu bixiyeen ” Xumbo Weyne” kolay arkeen waxa qawlaladda ka daada-naaya, aanu xataa is asturi karin ee uu qarda-jeex yahay murqaanka barjahu ka hadlinaayo. ka sidaa u dhintay baa itaal baaska is leh, wax ka difaac maamulka askarta jaho-wareersan ee kala wareegsan, kuwaas oo hadda dhooqo dhex fadhiistay siddii hal galoof ah, oo gelgelin dhoobo ah ku gelgelimay-sanaysa.

Nasiib darro-se waxay tahay hashu takarta bay iskaga reeb-taaye, Af-dukaaq muxuu iskaga reebi doonaa doqonimadda tolow, ilayn waa u dhalasho, ee wax fuulay maahe sidda takarta.

Waxan ku soo dabray maqaalkan ” Sakaaro xaar la arkaayo bay aasaas-taaye” oo ay is tidhaahaa cidi yey arkine qari, markay sidaas uga dhaqaaqdo, baa daba-gaale soo fadhaa, oo uu ceeb-teedda debedda keenaaye, waxan uga socdaa Arinka ka dhacay “Golaha Xil-dhiba-yaasha ”

Waa kuwa dhibay xilkii loo egmadaye ( waxad malaha u taqaaniin xildhibaan). kuwaas oo ku shaqeeya amarka askariga Hargeisa ka dhex botoriya. buu aqoon xumidiisa is leeyahay kala carar waxa la wadda og yahay, meel kale-na afka u saar.

Dhan kastoo aad eegto-ba, ma jiraan wax ka madax banaan askariga, haddii ay tahay Maxakamado ku sheeg-yadda, Booliiska, waxa ay ugu yeedhaan ciidanka qaranka, labadda Gole ee Xil-dhiba-yaasha ah ( guurti ku sheeg iyo kuwa la yidhaaho baarlamaanka) iyo kuwa uu yidhaaho shimbira-yahaw Heesa ( Waa golaha wasiiro ku sheega ahe). waxan ku soo af jaray, Dalkan ma jirto meel fayaw oo la taabtaaye yaan lagu daalin, ayax iyo dhashiisii, oo ka sii daran baa uu u gacan galaye.
* N.B Doqoni Waa Duleed Joog.
Qore:- Abdi-shotaly.

ashotaly5@gmail.com

Hoos ka daawo 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...