Dawlada Kiiniya ayaa si toosa ula safatay Axmed Madoobe markii ugu horeysay kadib markii ay shalay ka celisay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo diyaarad ka socotey Itoobiya.
Danaha Kiiniya ayaa ka weyn Axmed Madoobe waana dhulbalaarsi waxay isku dayaysaa inay Axmed Madoobe uga faaiideysato danteeda badda ayuu yiri Cali Calasow oo ka faalooda arimaha geeska.
Qoraal ay u gudbisay qaramada midoobey ayay Kiiniya ku diidey ergayga qaramada midoobey u jooga Somaliya kuna tilmaantey nin aan matali Karin danaha qaramada midoobey.
Waxay Kiiniya ka xanaaqdey in Axmed Madoobe dib u furo buuga musharaxnimada inkastoo maanta ay cadaatey inuu maqley Kiiniya oo bilaabay qudbadaha musharixiinrta isaga wada taageersan.
Kiiniya ayaa sheegtay in ergayga Axmed Madoobe soo xuley ay yihiin kuwii saxda ah loona baahneyn cid kale. Waxa keliya oo hadda furan in Somaliya ku dhawaaqdo in ciidabnka Kiiniya laga saaro Somaliya.
Kiiniya ayaa Axmed Madoobe u isticmaalaysa danaheeda badda oo dacwada go’aankeeda yahay bisha soo socota jecelna in dalku qasmo kahor dacwada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS