Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Ehelada uu Maxamed Faarax ceebeeyay oo afka furtey

Ehelada uu ceebeeyay ninka la baxay Mo Faarax ee u orda Ingiriiska ayaa afka furtey, aadna uga xumaaday erayga ”waa laysoo afduubtey” kadibna waa laygu shaqaystey ilaa markii dambe nin cadaana uu isku dhiibey, kii oo markii dambana magacan siiyay sidaana loogu dhiibey qoys kale oo koriya.



Somalida badankeeda ayaa aaminsan inuu bug dhiibtey Maxamed Faarax oo ay ahayd inuu sheeko kale la yimaado ama uu bedesho magaca sida ay sameeyaan Somalida badankeeda. Ama afkiisa xirto maadaama uu hadda u baahnayn baasaboor Ingiriis oo magac ku yeeshay qaadana karo baasabooro kale ayuu qabaa Xuseen Warsame.



”Waa inoo caadi inaga oo ka nimi Hargeysa ama Burco oo laynaga dhaadhiciyay in Koofurta Somaliya cadowgeen tahay haddana markaan nimaad wadamada gaalada aan dib u raadino qabiilada Koofurta iskuna dhiibno ayuu yiri Xirsi Warfaa. Booliiska Ingiriisku hadduu run sheegayo ha baadho kiiskan waxana hubaala in hooyada Maxamed Faarax ay haweenaydani uu ceebeeyay ka caawisay sidii wiilkan gaajada looga kaxayn lahaa.



”Ha edbiso laakiin waa lay adoonsaday adeer cidna kaa yeeli mayso, hadaad is leedahay gaaladu hakuu garaabtana dee iyaga yaa ka xun oo caruurtooda dila, ma hadday iskaga kaaya dhigayaan kuwa aan shaqada barin caruurtooda ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.



”Arintani maahayn in Nimco Faarax oo ah hooyada uu ceebeeyay Maxamed Faarax intey si lama filaana Jabuuti u tagtey kadibna ay soo afduubatey ninka hadda sheeganaya magaca Xuseen Cabdi Kaahin ayuu yiri Cabdi Geelle oo ay ilma adeer yihiin Nimco Faarax.




Waxana la xaqiijay in hooyo Nimco Faarax iyo qoyska Maxamed Faarax ay yihiin qaraabo dhow. Taasina waxay meesha ka saaraysaa sheekada ah waa lay soo afduubtey. Nimco Faarax ayaa qabta inay jeceshahay inay qaybteeda sheegto sida ay wax u dhaceen laakiin ay aaminsan tahay in ayna jirin cid rumaysanaysa Ingiriiska, haddana ay ku sugan tahay Hargeysa.



Fadeexadan ayaa la aaminsan yahay inay ku dhamaan doonta meelxun ayuu qabaa Xuseen Warsame, waxayna u badan tahay in Maxamed Faarax ku ceeboobi doono hadaanba laga qaadin baasaboorka uu bugta ku helay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...