Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya Muqdisho gaar ahaan isgoyska Sayidka ayaa sheegaya in dhiigmiiratada shabaab ay isku qarxiyeen makhaayad laga shaaheeyo halkaana ku dileen haweenayda leh iyo qoyskeeda oo dhaawac kadib geeriyooday.
Sida wararku sheegayaan naftii halige ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay goobta, ayna jiraan dhaawac iyo dhimasho dadkii fadhiyay halkaas.
”Waxaan xaqiijin karnaa haweenayda maqaayada leh oo shahiidey ayna markii dambe la shahiideen laba kale iyo naftii haligihii oo dhintey, waxase jira dadkale oo dhaawacyo halisa soo gaareen ilaa hadda ayuu yiri masuul u hadley gobolka Banaadir.
Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu ay xasuuqdo shacabkeena inkastoo baryahan lagu xirey geed, lagu dabajoogo midkanse u muuqdo inuu fakadey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay