Sidaad shalay ka daawateen warbaahinta xorta ah ee Araabinews.com waxa suldaan ka mida suldaanada gobolada Adal Suldaan Saleebaan Cali sheegay in shir Samaroon yeeshaa xilligan uuna suuragal ahayn wuxuuna sheegay sababaha xilligan hortaagan oo ay ugu weyn tahay qaban qaabada shirka oo aan diyaarsanayn iyo kacdoonka jira.
Waxaan fikir ahaan qabaa in ay qalad tahay in laysku qaso kacdoonka reer Adal iyo shirka salaadiintu ku dhawaaqeen oo ujeedada kacdoonku marnaba ahayn in shir Samaroon laga hortago waxase jira arimo aan diyaarsanayn oo shirkan u diidi kara inuu furmo.
Tan ugu weyn ayaa ah in aan la diyaarin ergadii shirka laguna heshiinin cadadka ka qaybgalaya, ajandaha shirka oo aa la ogeyn taas oo dad badan dib u dhigtey, waxana ugu dambeyn yimi kacdoon dhaba oo ah mid dadka reer Adal dib ugu hananayaan maamulka gobolkooda oo hadda beesha dhexe u soo shaqo doonteen.
Mida suldaanku ka dhawaajay ayaa cid badani ogeyn in muran ka jiro ergada shirka oo ay u raacday in aan waxba diyaarsanayn.
Waxa dhinaca kale dad badan dib u dhigey soo faragelintii maamulka beesha dhexe soo farageliyay shirka iyadoo dad badan oo waxgarad ahi yiraaheen maxaa laga doonaa goob dhooqaysan oo la ogyahay cida riixaysa waxana dhici lahayd in laysku qabsan lahaa ajendaha looga hadlayo.
Isku soo wada xooriyoo waxa haboon in shirkan dib loo qaban qaabiyo la diyaariyo ergada, lacagta shirka iyo ajendaha haduuba ka soo kabto muranka hadda jira waxase dad badan is waydiinayaan xilligan uu jiro kacdoon shir Samaroon ma qabsoomi karaa jawaabtu waa MAYA.
Aan rajayno in salaadiin kale ayna soo horfadhiisan saxaafada kana hadal shirkaas aan suuragalka ahayn ee la afduubey taas oo keenaysa khilaaf aan macno lahayn oo Samaroon u baahneyn.
Maxamed uusuf
ARAABINEWS