Shirkada Faysbuug ayaa diidey inay ka saarto xayaysiis Yuhuudu ku weerarayso Ilhaan Cumar oo ay ku heshay kumanaan arke. Xayaysiiskan ay soo geliyeen faysbuug oo ay leeyihiin urur Yuhuuda oo ka dhisan Maraykanka ayaa Ilhaan Cumar ku sheegay inay tahay ururkaXamaas.
”Waxa caadiya in faysbuug qoraalo caadiya uu masaxo una digo qoraha inaanu mardambe samaynin laakiin markay noqoto xayaysiisyo khatar gelinayo qof inaanu waxba ka qabanin ileyn ama raacsan yahay ama lacag badan ayuu ku qaatey ayuu yiri Cali Calasow.
Shirkadan ayaa ku nool xayaysiis, waxana saacadiiba ay ku dhufataa kumanaan doolar ayagoo aan waxba qaban. Xafiiska xildhibaan Ilhaan Cumar oo iimayl u direy faysbuug ayay ugu soo jawaabeen inayna aragba xayaysiiskaa laakiin mardambe waxay u sheegeen wargays Maraykana in aanu waxba u dhimayn sharcigooda.
Ilhaan Cumar ayaa loo direy hanjabaado xilliyadii xagjir Taram taas oo aad loo adkeeyay amnigeeda markii dambe. Waxaanse shaki ku jirin in Yuhuudu rabto inay shirqoosho xildhibaankan.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS