Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Gaalaan markasta ku cararaynaa waa caqabad kale oo dalka haysta: Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka hadley siyaasiyiin sheegta mucaarad oo markasta gaalo ku carara si ay u soo fushadaan danahooda gaarka ah. Laba siyaasi oo ka mida dadkaas madaxweynuhu ka hadlayo ayaa waxa ku soo socota doorasho maamul goboleed si ay uga hortagaana, waxa looga yeeray Kiiniya. Halka midka kale oo ah Siciid Deni isna hadda is cadeeyay inuu wado sheekadii Cabdiwelli Gaas.



“Waxa muhiima in aan dalka loo ogolaan kuwa sheegta beesha caalamka ee Nayroobi weligood u fadhiyay inay ku cunaan lacagta magaca Somaliya lagu soo qaadey, ee siyaasiyiintan fashilmey ku cararaan una yeera ayuu yiri Cali Jaamac oo Nayroobi jooga.

“Markii laga hadlaayo dawladnimada dhan in geedka jirida loo gooyo oo loo diido xasilooni, oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano oo qalalaase Siyaasadeed & Khilaafaad oo laga hadlo dawladda oo dhan in la bedelo oo loo tago Beesha caalamka oo lagu dacweeyo, taasi waxa weeye dumin ee ma’ahan Mucaarad iyada lafteeda waa caqabadaha na haysta.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.



Maaha markii ugu horeysay ee kooxda yar ee sheegata mucaaradka Nayroobi looga yeero, waxana inta badan dhacdaa u yeeristu marka dalku ku jiro wado hagaagsan oo xataa gaalada laga amaahdo lacagaha ay amaaneen sida wax loo wado ayuu raaciyay Cali Jaamac.

Somaliya ayaa loo hoosgeliyay maamul jufeedyo ayna qaadi karin, waxana inta badan dhisay si uu kursi u helo fadhiid Xasan Sheekh.



Waxa kale oo weerar dalka lagu soo qaaday markii fadhiid sh Shariif iyo Mahiiga daaqada ka tuureen dastuurkii qaranka una keeneen dastuur diinta dadka iyo dhaqankoodaba weerar ku ah ayagoo lacag siiyay odayaal intooda badan waxna qorin si loo meelmariyo.

Ujeedada ayaa ahayd in dalku weligii ku jiro qalqal siyaasadeed iyo mid dastuuri.  Ilaa hadda waxa waqti lagu lumiyaa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuur dhoodhoobkaas gaalada laga soo guuriyay halkii ay ahayd in daaqada laga tuuro.



“Mucaarad waa la yaqaan waana koox qabta fikir ka duwan ka dawlada oo si sareexa ugu soo bandhigta dadweynaha dadkuna ogyihiin laakiin gaalo beel caalam ku carar waa dawlad-dumin waayo waxay rabaan in dawlada dhan xididada loo siibo ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...