Wednesday, November 29th, 2023
header










Meta







Goorma ayuu Sucuudigu noqdey kuwo Suniyiinta u dagaalama iyo fashilka Xasan Sheekh: QORMO

 Goorma ayuu Sucuudigu noqdey mid u dagaalama waxa loogu yeero Suniyiin yaase isaga u xilsaaray miyaanu ahayn kan taageera argagixisada caalamka runtiina burburiyay dawlado Suniyiin ahaa. Yaase u dagaalamaya dagaalka uu iclaamiyay ee uu wehel ka dhigtey Xasan Sheekh iyo dawladaha fiqiirka..Bal ila fiiriya siyaasada foosha xun ee Xasan Sheekh wado iyo dantiisa gaarka ah.

Xasan Sheekh ayaa toos ula saftey Sucuudiga ee aan ognahay sida uu u sharaf dilo dadkeena. Dagaalka CARABTA taagta darani ku qaadayaan Xuutiyiinta Yaman waa mid ayna guul ka gaadhayn mana laha awood ay kaga adkaadaan diqsi.. Xasan Sheekh dantiisa ayuu u raacay Sucuudiga oo hadda ay saaxiibo yihiin Yuhuuda si ay Iiraan oo Muslima dagaal ugu qaadaan.

Dagaal Sucuudigu ku qaadayo Yaman oo dal fiqiira ah waa dagaal ay kuwada jiraan Yuhuuda, Sucuudiga iyo Maraykanka waayo Maraykanku waxay sheegeen in dhinaca sirdoonka ka caawin doonaan halka Sucuudiguna u diyaariyay Yuhuuda in diyaaradahoodu ka weeraraan Iiran hawada Sucuudiga.

Goormaa idiinku horeysay dagaal aad maqashaan waxa isku dhacay waxa loogu yeero sunni iyo shiico aanan ka ahayn markii Sucuudiga oo taageersan Maraykan iyo Yuhuuda ay burburiyeen Ciraaq. Xukunkiina ka tuureen Sadam Xuseen iyo suniytiinta oo qarniyo haystay Ciraaq.

Labada bulsho waa suniga iyo shiicadee waxay Ciraaq kuwa noolaayeen intii shiicadu dhalatayba ma jirin dagaal u dhexeeya iyaga. Goorma ayuu Sucuudiga wahaabiyiinta ay noqdeen kuwo waxa loogu yeero sunni u dagaalama.

DIB U FIIRIYA TAARIIKHDA makiibaa hadda na leh waxaan ka hortagayaa Xuutiyiin reer Yaman ah oo waligoodna xukumayay Yaman hadana siyaasad dastuur laysku haysto.

Waxaan hore u aragney siyaasadiisii Sweden ee fashilantey taas oo aanan marnaba u soo jiideyn shacbiga Somaliyeed horumar iyo soo dhaweyn iyadoo aan ognahay in Xasan Sheekh aanu gorgortan kala gelin Sucuudiga waxa Somalidu helayso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...