Inaa lilaah waa inaa ilayhi rajicuun waxa hadda la cadeeyay in safiirkeenii dalkeena u fadhiyay Swizerland uu ka mid noqdey xasuuqa ay argagixisada caalamiga ah ee shabaab ka gaysatay huteelka. Safiirka ayaa ka mid ahaa raga ka shaahaynayay huteelka xilliga argagixisadu soo duushey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, R.wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid iyo Xubnaha Labada Gole ee dowladda ayaa umadda soomaaliyeed uga tacsiyeey Geeridii ku timid Wakiilka dowladda soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Aadanaha Ee Geneve Yuusuf Maxamed Ismaaciil.
Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Weerarkii naftii halignimada ee Argagixisada Al Shabab ka geysteen Hotelka Maka Al Mukarama.
Alaha u naxariistee Yuusuf Baribari ayaa ahaa Diblumaasi ka soo sheqeyay dalal badan oo caalamka.
Madaxda Qaranka Ayaa sidoo kale Tacsi Tiiraanyo leh u diraya ehelada dhamaan dadka ku geeriyooday weerarkaasi iyagoo alle ugu baryay in janadii firdowsa ka waraabiyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS