Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Gudoomiyaha Xamarweyne oo sheegay in taliyaha booliisku gacanta ula tagey

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) uu jirdil u geystay, isla markaana ku xadgudbay xasaanidiisa.

Mr C/qaadir oo u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in isagoo ku sugnaa Saldhiga Booliska Xamar weyne uu Taliyaha Booliska uu la dhacay, bud, feer iyo haraanti, isla markaana uu korkiisa rasaas ka riday, mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawacay.

“Saakay waxaa awoodii dowladnimada ku xadgudbay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Cali Xirsi Barre, oo ku tuntay xasaanadeyda, wuxuu igu sameeyay jirdil, gacan ayuu ila tagay”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed Barre oo intaa ku daray in Taliyaha Booliska uu u isticmaalay awood xad dhaaf ah.

Mar la weydiiyay sababta uu gacanta ugu qaaday ayuu sheegay in saakay Ciidamo uu watay Taliyaha Booliska ay dadkii degenaa Xaruntii Wakaaladda Filimada ee degmada Xamar weyne ay xoog uga saareen, isagoo xusay in markii uu u tagay Taliyaha uu weydiistay warqad fasax ah iyo in aan lagu soo wargelin maamulka degmada, isla markaana aanay jirin wax muddo ah oo la siiyay dadkii degenaa dhismaha, si ay uga guuraan haddii muddo la siiyay

“Shacabka deegaanka ayaa xarunteyda igu yimid oo cabasho igu yimid, markii aan Taliyaha u tagay waxaa weydiiyay inuu warqad fasax ah heysto, wuxuu i dhahay waa tanaa warqadii, waxaa ku dhahay dadkaas in digniin la siiyo aheyd oo muddo loo qabto, wuxuu igu jawaabay hadii aad joojin kartid jooji, markaas waa ka soo tagay, saldhiga booliska ayaa imid, anoo fadhiya ayuu iigu yimid, asigoo bud wata, ka bax saldhiga ayuu u yahay, waxaa ku iri kama baxaayo, waa degmada aan mas’uulka ka ah waaye, markaas kadib anoo fadhiyo ayuu bud ila dhacay, feer iyo laad”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xamar weyne.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...