Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Gunimo dhereg leh waxaan ka dooranay gobanimo gaajo leh: Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somaliya oo shacabka la hadlay ayaa sheegay in damacii Kiiniya uu fashilmay. Madaxweynaha oo qoraal u akhriyay sida wararka muuqaal baahiyaha ka baxa ayaa marka hore u mahadceliyay RABIIGEENA ina waafajiyay inaan damacaas aragno, wuxuu sidoo kalena u mahadceliyay shacabka Somaliyeed sheegayna inay iyagu leeyihiin guushan.



Maxkamada caalamiga ah ayaa maanta xukuntey dhamaan intii Somaliya doonaysay ayadoo aan waxba ka tegin. Baddan ay xukuntey ayaa waxa ku jira dhul baaxadleh oo ay rabtey Kiiniya inay ceelal shidaal iyo gaas ka qodato.

”Sadex bilood markii aan xukunka la wareegay waxay Kiiniya bilowday farogelinta siyaasada gudaha ee dalkeena ayagoo markiiba dalkooda ka soo abaabuley ururo siyaasadeed ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.



”Waxay isku dayeen inay na gu’doomiyaan ayagoo adeegsanaya shisheeye ay isku danno yihiin, waxa intaas raacsan weeraro qaawan oo joogta ah sida burburinta shirkadaha dalka ayuu raaciyay.

Waxa xiga weeraro ay ka soo qaado qaramada midoobey si ay gebi ahaanba u curyaamiso dawlada iyo dhaqaalaha so gala, ayadoo rabtey in qol madow loogu xalaaleeyo badda ayuu qirey madaxweynuhu.



”Damiirkeena marnaba nama siinayo inaan ku bedelo dano shaqsi iyo mid muddo xileedkeedu go’an yahay ayuu yiri madaxweynaha. Waxaan diidney gunimo dhereg leh waxaanan ka doorbidey gobanimo gaajo leh ayuu ku khatimay madaxweynaha.



Hadalka madaxweynaha ayaan laga sii deyn radiyaha iyo telefishan ahaan jirey mid qaran haddase noqday mid qabiil, waxayna qayb ka yihiin weerarka lagu hayo qaranimada dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...