Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Hadal ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha Somaliya oo ka caraysiiyay beesha Mareexaan ee gobolada dhexe iyo warmurtiyeed ay ka soo saareen

Dhuusamareeb–Beesha Mareexaan ayaa si adag u beenisay war uu sheegay wasiirka arimaha gudaha Somaliya C/raxmaan Odawaa kaas oo ahaa in la dhameeyay awood qaybsiga maamulka laga dhisayo gobolada dhexe. Beesha oo warmurtiyeed ka soo saartey arintaas ayaa sheegtay in laba qodob wax lagu qaybsado.

KU: Dowlada Federaalka Soomaaliya, UN, AU, EU,IGAD,UK,USA iyo Jaamacada Carabta. Taariikh: 25-April-2015, Cadaado

WARMURTIYEED: GOLLAHA ODAYAASHA DHAQANKA BEESHA SADE EE GALGADUUD IYO MUDUG.

Ujeedo: Beenin hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sheegay in lagu hishiiyey waxqaybsiga: GOLLAHA ODAYAASHA IYO ERGOOYINKA.

Odayaasha dhaqanka beesha Sade ee deggan waqooyiga gobolka Galgaduud iyo Mudug qeybo ka mid ah ayaa waxaa ay si rasmi ah u beeninayaan hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa, kaasi oo sheegay in lagu hishiiyey wax qeybsiga ergooyinka iyo tirada odayaasha dhaqanka ee loo aqoonsanayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka arrimaha gudaha, waxaa uu wataa liis been abuur ah, waxaana uu rabaa inuu simo jufadda uu kasoo jeedo iyo beel weynta Mareexaan taasi oo muujineysa aqoon xumada iyo cadaalad-darada uu la dhex joogo dadka deggan gobollada dhexe ayaa lagu sheegay War Murtiyeedka.

Odayaasha dhaqanka waxaa kaloo ay sheegeen in maamulka la dhisayo wax loogu qeybsado lama arrimood hadba midii laga maarmi waayo, kuwaasi oo kala ah:

In nidaamka 4.5 ee qabiilka Soomaaliyeed wax ku qeybsado loo maro wax qeybsiga maamulka la dhisayo. Haddii taasi la waayo waa in deegaan wax lagu qeybsado oo beel waliba meesha ay degto wax ku qaadato.

Wixii labadaasi qodob kasoo hara ayey ku sheegeen odayaasha dhaqanka beesha SADE inaysan aqbali doonin, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay gebi ahaan shirka isaga bixi doonaan, haddii aan wax laga baddeli liiska uu jeebka ku wato Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa.

Dooda ugu kulul ee dhexmartay wasiirka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ah inuu odayaasha Marreexaan ku sheegay saddex oday oo kaliya, halka beesha uu kasoo jeedo ee Habargidir uu siiyey 10 odayaal dhaqameed. Waxaana ay u sheegeen inuusan isaga u yeerin karin tirada iyo magacyada odayaasha dhaqanka ee beeshan leedahay.

Wakiilka UN, IGAD iyo dhammaan hay’addaha daneeya maamul in loo helo gobollada dhexe, waxaan uga digeynaa wasiirada qatarta ku ah in la helo maamul loo dhan yahay iyo waxqeybsi aan lagu kala aragti duwaneyn oo dhexmara dadka deggan gobollada dhexe ayaa qoraalka lagu xusay.

Wasiir Odawaa ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeymaha kaga yimid Beesha Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...